Wafdi ka socda Africa oo Libia ku shiraya

Monday April 11, 2011 - 18:01:03
0 Comments
948
Super Admin
Dalka Liibiya ayey gaareen wafuud ka socota Midowga Afrika kuwaasi oo doonaya inay dhex dhexaadin nabadeed ay ka bilaabaan dalkaasi oo ay bilihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo xoogleh.

Wafdigan ka socda Midowg Afrika ayaa waxaa hogaaminaya madax uu kamid yahay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Mr.Jacob Zuuma, iyo madax kale oo ka socota dalalka Afrika iyo guddiga sare ee Midowga Afrika.

Xubnahan ayaa magaalada Tripoli kula kulmay hogaamiyaha Liibiya Col.Mucamar Qadaafi ayagoo kala hadlay in dalkaasi Liibiya laga hirgeliyo Xabad joojin iyo waliba Wadahadal siyaasadeed oo dhexmara Xukuumada Qadaafi iyo mucaaridka kasoo horjeeda.

Wafdigan ayaa maanta gelinkii danbe u gudbay magaalada Bengazi ee xarunta u ah kooxaha kasoo horjeeda Qadaafi, ayadoo lagu wado inay isku dayi doonaan inay ka dhaadhiciyaan kooxaha mucaaridka inay aqbalaan waanwaantan nabadeed oo uu wado Midowga Afrika

Related Items


Leave a comment