Xildhabaan Mohamed Cumar Dalxa oo Saxaafada la hadalay;

Thursday April 28, 2011 - 13:47:29
0 Comments
697
Super Admin
Waxaana sidoo kale leeysu afgartay in khilaafka Madxada Dowladda la dhaxgalo iyadoo axdiga KMG iyo waxa noo degsanba loo marayo" Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaan KMG Soomaaliya ayaa sheegay in maalmahaani magaalada Muqdisho uu kulan uga socda koox Xildhibaano ah kuwaasi oo u is taagay in ay xaliyaan qilaafka Baarlmaanka KMG iyo sidoo kale kan u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda KMG.

Waxa uu sheegay in uu isaga ka mid yahay rag kulanka socda soo qabanqaabiyey, waxa uuna sheegay in lagu falaqeeyey fadeexada xildhibaanada Dowladda KMG ay uga hadlaan warbaahinta magaalada Muqdisho iyagoo kala taageeraya madada Dowladada ee isfaham waaga uu u dhaxeeyo sida uu sheegay, waxa uuna sidoo kale sheegay in ay ku tala jiraan in si waafaqsan adiga KMG iyo xeerarka Dowladda iyagoo maraya in ay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda KMG.

"Kulanka waxaa leeysa gartay wajigiisa koowaad in ay xildhibaanada si koxeeysi ah warbaahinta cod iska hor imaanya warbaahinta isu dhaafsanayana la xal gaaro taasi oo dhaawaceeysa sumacada Dowladda, waxaana sidoo kale leeysu afgartay in khilaafka Madxada Dowladda la dhaxgalo iyadoo axdiga KMG iyo waxa noo degsanba loo marayo" ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

Kulankaan u socda Xildhibaanadaani u istaagay in ay xaliyaan khilaafka fara kabaxa ah ee u dhaxeeya Madax sare ee Dowladda KMG gaar ahaan Madaxweynaha iyo Xukuumada oo isu dhinac ah iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaasan la qiyaasi karin isbadelka ay ku keeni karaan khilaafka ku saleeysan xili dorshada.

wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment