Wasiirka Amniga galmudug Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalkii Xildhibaanad Ilhaan Cumar

Saturday July 24, 2021 - 14:08:20
0 Comments
347
Mudug

Gabar Ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka Congress Ilhaan Cumar ee gobolka Minnesota dalkaasi mareycanka, ayaa maamulka johm Biden ka dalbatay in faah-faahin laga bixiyo duqeyntii Talaadadii ay ka geysteen Soomaaliya.   


Arintaasi ayaa Madaxda gashaandhiga Maraycanka ku tilmameen in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.  


Maamulka Galmudug ayaa ka Jawaabay hadalka kasoo yeeray Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo Mareykanka uga dalbaneysay inay jawaab Cad ka bixiyaan duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ka geysteen degaan ka tirsan Gobolka Mudug.   


Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay inuu ku sugan yahay goobihii gantaalada la la beegsaday ay ka hadlayso Ilhaan Cumar  isla markaana uu khasaaro kasoo gaaray oo Al-shabaab.   


isagoona tilmaamay in Ilhaan Cumar aysan afhayeen u noqon Al-shabaab islamarkaasna is weydiiyay in aysan ogay iyo in kale 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkaas.   


Ugu danbeyntii Wasiirka Amniga galmudug ayaa yiri waa inay ilhaan tageertaa howl-galada ka socda dalka, hadii kale waa inay iska amustaa oo aysan godob ka gelin dalkeeda iyo dadkeeda.  


Meeraysane.com



 

Related Items


Leave a comment