Dagaal Culus oo Saacadihii la soo Dhaafay ka Dhacay Duleedka Garbahaarey iyo Dhinacyadii Dagaalamay oo ka Hadlay

Sunday May 01, 2011 - 08:12:36
0 Comments
1015
Super Admin
Dagaal Culus oo Saacadihii la soo Dhaafay ka Dhacay Duleedka Garbahaarey iyo Dhinacyadii Dagaalamay oo ka Hadlay
Garbahaarey; Saraakiil ka tirsan DKMG iyo kuwa Xarakada Al-Shabaab siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal xoogan oo saacado badan qaatay oo shalay ka dhacay deegaanka Buurguduud oo 30-km dhanka galbeed ka xiga magaalada Garbahaarey.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo xalay faahfaahin ka bixiyey dagaalka ayaa sheegay in iyaga ay la wareegeen deegaanka Buurguduud oo uu dagaalku ka dhacay haatana dagaalku uu istaagay.

Wuxuu sheegay in dad badan oo ka tirsanaa Shabaabka ay dagaalkaasi ku dileen ayna jabiyeen dagaalyahanadii Shabaab oo markii hore goobtaasi fariisin ku lahaa.

Maxamed Cabdi Kaliil wuxuu ku goodiyey in dagaalka ay wada wadaan ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu suna oo iskaashanaya uusan joogsan doonin tan iyo inta gobolada dalka oo dhan ay ka saarayaan Al-Shabaab iyo Al-Qaadida sida uu yiri.

“Ma ahan Gedo oo kaliya ee meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah nimankaan uga hari meyno”, ayuu yiri Kaliil.

Dhanka kale afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Sheekh C/casiis abuu Muscab oo xalay isaguna shir jaraa’id telefoonka ku qabtay ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacab Buurguduud ay ku qabsadeen gawaari dagaal oo illaa 4 gaareysa labo ka mid ahna yihiin kuwa xamuulka qaada.

Wuxuu kaloo sheegay in jab xoogan ay gaarsiiyeen ciidanka DKMG iyo kuwa Ahlu suna oo sida uu hadalka uu u dhigay ku soo duulay ‘shareecada’.

Afhayeenka Shabaab wuxuu dhanka kale markii ugu horeysay qirey in degmooyin badan gacabtooda ka bexeen sababtuna wuxuu ku sheegay xeelad dagaal.

“Hadii degmooyin nalaga qabsado ma ahan inaan jabnay ee waa xeelad dagaal oo cadawga aan dooneyno inaan ku naafeyno”, ayuu yiri abuu Muscab oo intaa ku daray in mar uun ay dib u qabsan doonaan deeganada laga qabsaday.

Wararka ugu dambeeya ee maanta naga soo gaaraya in dagaalkii shalay khasaaraha dhimshada uu gaaray 10 ruux halka dhaawacuna uu 14 gaarayo, waxaana dadkaasi ku jira dad rayid ah oo deganaa goobaha lagu diriray.

Inkastoo saaka xaaladu degan tahay haddana waxaa la filan karaa dagaalo kale maadaama ciidamadii dagaalamay weli ku sugan yihiin meeo ka mid ah gobolka. Dhanka Shabaab ayaa difaacyo ka adkeysanaya Buurdhuubo iyo Baardheere oo ah degmooyinka kaliya ee hadda gacantooda ku haray.

Halka ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu suna ay sii wadaan weerarka ka dhanka ah Shabaab iyagoo doonaya inay deegaano kale qabsadaan.

Sidoo kale waxay xiisado dagaal ka taagan yihiin degaanada gobolka Bakool kadib markii shalay subax Shabaabku baneeyeen saddexda degmo oo muhim ah oo kala ah Ceelbarde, Waajid iyo Xudur oo ah xarunta Bakool.

http://www.burtinletimes.co/

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment