Burtinle; Roobab Ma''Higaan ah oo ka da''day Burtinle iyo Nawaaxigeeda;

Monday May 02, 2011 - 18:48:23
0 Comments
1789
Super Admin
Roobkii Gu’ga Oo Ka Da’ay Galdogob, Xarfo, Bacaadweyn & Burtinle
Roobab dadka iyo duunyadu ku diirsadeen ayaa saacadihii la soo dhaafey ka da’ay degmooyinka Xaarxaar,Xarfo, Galdogob, Burtinle iyo deegaano badan oo hoos yimaada, roobabkaasi oo biyo dhigay meelihii ay ka da’een.

Magaalada Galdogob ayaa lagu soo waramayaa in roobku xalay ilaa iyo saaka uu si toos ah uga da’ayey waxaana roobkaasi oo ay dadku ku qabowsadeen uu biyo dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada Galdogob iyo baliyada ku hareereysan.

Deegaanka Bursaalax ee hoostaga degmada Galdogob ayaa laga soo sheegayaa in uu roob ka da’ay isla markaana roobka halkaasi qabtey uu da’ayey saacado farabadan, iyadoo ay jiraan dhulka miyiga ah ee ku dhow Bursaalax roobab ka da’ay.

Degmada Xarfo ee gobolka Mudug iyo deegaanada Beer-dhagaxtuur, Tuulo Xabiibo iyo Bilcilka ayaa iyaguna lagu soo waramayaa in ay ka da’een roobab mahiigaan ah oo ay dadka iyo duunyadu ku qabowsadeen iyadoo xareeduna buux dhaafisay baliyadii iyo baraagihii halkaasi ku yaalay.

Wararka roobabkii da’ay saacadihii la soo dhaafey ayaa sheegaya in degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ay ka mid tahay meelihii xalay uu ka da’ay roobkii Gu’ga, waxaana degmada Burtinle ka da’ay roob fiican oo ay ka maqsuudaan dadka iyo duunyada ku dhaqan degmadaasi, waxaana roobku sidoo kale qabtey deegaanada howdka ah ee duleedka degmada Burtinle.

Roobkii Gu’ga ayaa si weyn uga da’ay inta badan gobolada Puntland, waxaana roobabkani ay ku soo beegmayaan xilli deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ay ka jireen abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadkii iyo duunyadii, waxaana haatan bilaabatay rajadii dadweynaha Soomaaliyeed ay ka dhowrayeen xaga Alle, rajadaasi oo ahayd in xilli roobaadka Gu’ga Allaah uu ka saari doono abaarta saameysay.

wixii war ah oo danbe kala xariir Isha wararka

www.Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment