Wafdi ka Socda Hay''adda cunada aduunka oo Mogdisho soo gaaray;

Tuesday May 03, 2011 - 20:07:30
0 Comments
2294
Super Admin
Mark Bowden oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Kulankaani oo soconayay mudo saacado ah ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada waxa ay kula qaateen wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay u qeysamaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadanimada Soomaaliya Mark Bowden.

Masuuliyiintaani ayaa kulankooda waxa ay uga hadlayeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaatooyinka dhinaca nolosha ay ku heysato gobolada dalka gaar ahaan kuwa abaaraha daran ay ka taaganyihiin, waxaana ay isku raaceen markii dambe in la caawiyo dadka abaareysan iyo kuwa kale ee gargaarka bini’aadanimo u baahaan.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday kadib waxaa si wada jir ah saxaafada ula hadlay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee dowladda KMG iyo Mark Bowden oo hogaaminayay wafdiga Qaramada Midoobay.

Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah ee xukuumada KMG Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali ayaa waxaa uu sheegay in qaramada midoobay ay kala hadleen sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaateysan iyo sidii qaramada midoobay ay u sii kordhin laheyd howlaha bini’aadanimo ee ah ka hayaan Soomaaliya.

U qeybsamaha arimaha bini’aadanimada ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mark Bowden oo isna la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qaramada midoobay ay ka walaacsantahay xaalada bini’aadanimo ee Soomaaliya, isagoo sheegay in qaramada midoobay ay sii wadeyso dadaalka howlaha bini’aadanimo ay ku gaarsiinayaan dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

“ aad ayaan ugu walaacsanahay dhibaatada dadka shacabka ah heysta, waxa ay mareysaa meelihii ugu darnaa marka loo bar bar dhigo dunida inteeda kale, dhibaatooyinka aad ayay u farabadanyihiin abaaraha iyo colaadaha dadka Soomaalida waa ay saameeyeen, sidaasi daraateed waxan aan jecelnahay in aan gaarsiino dadka Soomaaliyeed kaalmooyin bini’aadanimo oo deg deg ah, waxaan arintaasi kala hadalnay masuuliyiinta dowladda KMG” ayuu yiri Mark Bowden.

Kulankaani maanta ay waateen Ra’iisul wasaare Farmaajo, iyo masuuliyiinta dhinaca bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu ku soo aadaya xili dadka Soomaaliyeed ay wali heystaan dhibaatooyinka ay ku reebeen abaaraha ka jira gobolada dalka Soomaaliya.

xigasho Shabelle media

Related Items


Leave a comment