Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha oo Aqoon is waydaarsi loo Qabtay

Monday May 09, 2011 - 12:30:46
0 Comments
1458
Super Admin
Aqoon Iswaydaarsi U Furmay Agaasimayaasha Dowlada Puntland
Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa loo qabtay agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha & Hay,adaha Madaxa Banaan ee Dowlada Puntland sida PAC, Nasha, Pasaweyn, Paswe iyo kuwo kale.

Aqoon isweydaarsigan ayaa Waxaa lagu qabtay Jaamacada PSU ee Garowe ,waxaa soo Qabanqaabisay oo Fulinaysa Hay,ada Astaynta ee Puntland (PGGB) waxaana Maalgelinaysa
Hay,ada Qaramada Midoobay ee UNDP.

Xasan Daahir Maxamuud oo ah Kusimaha Agaasimaha Hay,ada Maamul wanaaga ee PGGB ayaa ugu horeyn ka warbixiyey Barnaamijkan ay Baran doonaan Agaasimayaashu ,Waxaana uu yiri Mudada aad Halka Joogtaan waxaan Baranaynaa ,Maaamul wanaaga iyo Socodsiinta Howlaha Shaqo ee Wasaaradaha

Xasan Carab ayaa Agaasimayasha kula Dardaarmay in ay muujiyaan Ka Qaybgal wanaagsan si loo helo Culuum ay ku Dabakhaan Shaqada Xafiisyada , Maxamed Axmed Yuusuf ( Malable ) oo ah Sii hayaha Xafiiska UNDP Garoowe ayaa sheegay in Tababarkani uu ka duwanyahay kuwii Hore loogu Qaban Jiray ,sidoo kale waxaa uu Sheegay Malable in Tababarkani yeelan doono Imtixaan ka horeeya Tababarka iyo mid ka Danbeeya oo labada lagu Qiimaynayo Heerkiina aqooneed ee shaqada aad Haysaan,tijaabooyinka waxaanu la wadaagayna natiijooyinka ka soo baxa Madaxda Dowladda Puntland ee Sare, Malable waxaa kaloo uu sheegay in Barnaamijkan u Baahanyahay Cid Shaqada Ehel u ah ee uusan ka qaybgal uun u Baahnayn.

Wasiir dowlaha Maamul Wanaaga Mudane Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) waxaa uu ku dhiiri geliyey Agaasimayaasha in iyagu ay yihiin Howlfuliyayaasha shaqada ka socota Xarumaha Dowlada ee ay u shaqeeyaan , Waxaa kaloo uu ku Booriyey Agaasimayaasha in ay ka Faaiidaystaan Culuumtan ,Dowladuna ay Dib u eegis ku samayndoonto Cida shaqaysa iyo Cida Howlgabka ah .

Aqoon iswaydaarsiga ayaa waxaa Si Rasmi ah u Furay wasiiru Dowlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise ( Gashaan ) waxaana uu sheegay in ay jiri doonaan Tababaro Badan oo isdaba jooga loona qabanayo Agaasimayaasha si loo Xaqiijiyo Shaqada ay ka Hayaan Wasaaradaha ,waxaa sidoo kale uu carabka ku dhuftay Gaashaan in aysan
Agaasimeyaashu u Madax banaanayn Howlahooda Shaqo.Daahir Maxed Ismaciil ( Dahir Qalawe ) oo isagu ah Fududeeyaha Barnaamijkan ayaa waxaa uu u Qaybiyey ka Qaybgalayaasha Tababarka Su’aalo laga jawaabayo oo ah qiimeyn shaqo lana xiriirta waxaa uu Agaasimuhu kala socdo Shaqada uu Hayo ,iyo Habka loo kala wado shaqada, Xafiiska Wasaaradaha ama Wakaaladaha Dowlada Puntland madaama ay yihiin shaqaale xarumo mihiim ah ka socda, Tababarkan ayaa socon doona Mudo Dhan 3 maalmood.

Related Items


Leave a comment