Kenya; Mohamed Cismaan Etson oo laga badalay qunsulnimadii Somalia Uu U joogay Safaarada;

Monday May 23, 2011 - 03:13:41
0 Comments
1516
Super Admin
Qunsulka Somalia u fadhiyay Wadanka Kenya Mudane Edson oo xilki laga qaday iyo Qunsul Cusub oo la magacabay
Madaxweynaha Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Qunsulkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu magacaabay mas’uulkii badali lahaa Qunsulkii hore.

Maxamed Aadan Edson ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ahaa Qunsulka Dowladda Soomaaliya u qaabilsan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana wararka isa soo taraya ay sheegayaan in xilkii Qunsulnimo laga qaadey isla markaana loo magacaabay Xasan Khaliif oo ah nin ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Dowladda FKMG Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed.

Lama garanayo sababta keentay xil ka qaadista Qunsulkii Dowladda Soomaaliya ee Kenya waxaase jira warar sheegaya in uu jiray khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne Shariif kaasi oo sababay aakhirka in xilka uu waayo Qunsulkii hore ee Soomaaliya uga wakiilka ahaa Kenya.

Maxamed Aadan Edson ayaa ah mas’uul ka soo jeeda deegaanada maamulka Puntland isla markaana taageersan siyaasada Madaxweynaha Puntland, wuxuuna dhowaantan safar uu ku yimid Puntland uu shaaca ka qaadey in uu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa Mas’uuliyiintii la tartameysay Madaxweyne Shariif doorashadii Jabuuti laba sano ka hor.

Ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment