Dowlada Somalia oo garoonka dayuuradaha Muqdisho ku qabtay dayuurad siday lacag gaareysa malaayiin dollar

Tuesday May 24, 2011 - 18:49:42
0 Comments
774
Super Admin
Ciidamada nabad sugida dowlada Somalia oo garoonka dayuuradaha Muqdisho ku qabtay dayuurad siday lacag gaareysa malaayiin dollar

Barqanimadii maanta ayaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde waxa lagu qabtay labo dayuuradood oo mid ka mid ah ay waday lacag cadaan ah oo gaareysa ilaa 3.6 milyan oo dolar taasoo la sheegay in loo waday koox burcad badeed Soomaali ah si ay u sii daayaan markab ay heystaan waxaana lacagtaasi gacanta ku dhigay ciidamada nabad sugida dowlada Somalia.

Warka ayaa sheegaya in dayuurada labaad la doonayey in lagu wareejiyo lacagtaas si ay u gaarsiiso burcad badeeda Soomaalida ee lacagta ay ku socotay, iyadoo ciidamada nabad sugida oo sida la sheegay amar ka heysta wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ay gacanta ka dhigeen lacagtaasi oo ku jirtay Kaartoono lagu soo daabulay.

Sidoo kale ciidamada nabad sugida ayaa xabsiga dhigay shan duuliye oo la socday labada dayuuradood ee doonayey iney lacagta isku wareejiyaan waxaana la sheegay in dayuurada lacagta waday ay ka timid magaalada Nairobi, iyadoo dayuurada kale ee dooneysay iney lacagta gaarsiiso burcada badeeda ay iyana ka soo duushay magaalada Gaalkacyo.

Ma jiro ilaa hadda war ku saabsan lacagtan oo ka soo baxay dowlada Somalia mana cada go’aanka ay ka qaadan doonto hase ahaatee waa markii ugu horeysay ee garoonka dayuuradaha Muqdisho lagu qabto lacag malaayiin dolar gaareysa oo ku socotay burcad badeeda Soomaalida.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment