Niman ajaanib ah oo lagu qabtay lacag aad u fara badan

Wednesday May 25, 2011 - 04:28:01
0 Comments
1187
Super Admin
Ajaanib u kala dhalatay Mareykanka, Ingriis iyo Kenya oo sita lacab kor u dhaafeysa $3,6 milyan oo dollar ayaa saakay lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Raggan oo lix ah ayaa la sheegay in ay wateen laba diyaaradooda kuwaas oo ay lacagta ku kala wareejinayeen.

Ciidamada amaanka garoonka oo dhaki ka muujiyay ajaanibtan ayaa baaritaan ku sameeyay diyaaradaha iyo boorsooyinkii ay wateen, waxaana laga helay lacah aad u tiro badan oo dollar ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagtan loo waday burcad-badeed haysata laba markab oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Raggan ayaa iminka ku jira gacanta ciidamada amaanka Soomaaliya, waxaana lacagtooda lagu xareeyay qasnado ku yaal Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Diyaaradaha ay wateen ayaa saakadi hore kasoo kicitimay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi.

wixii Ka soo Kordha kala soco Isha wararka

Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment