Dawlada Mareykanka oo ku baaqay in la caawiyo DKMG iyo maamulada

Wednesday June 01, 2011 - 22:07:58
0 Comments
1034
Super Admin
Dalawada Mareykanka oo ku baaqay in la caawiyo DKMG iyo maamulada
Dowlada Mareykanka ayaa beesha caalamka ugu baaqday in dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya laga gacansiiso sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida

Taliyaha ugu sareeya ciidamada bada ee dowlada Mareykanka Admiral Robert Willard ayaa waxa uu ku baaqay in Bulshada Caalamka ay ka caawiyaan maamulada ka jira dalka Soomaaliya iyo dowlada KMG Soomaliya sidii ay uga hortagi lahaayeen Burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay in ay aad u xoogeysteen.

Admiral Robert Willard ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in dhibaatada Burcad badeeda Soomaaliya ay tahay in dowlada KMG aysan gaarisiisneeyn gobolada ay burcad badeeda ku xooganyihiin, waxaana uu ka codsaday wadamada caalamka in ay ka gacan siiyaan dowlada Soomaaliya sidii ay u gaari laheyd Goboladaasi ay burcad badeeda ku xooganyihiin.

“Dagaalada ka jira dalka Soomaaliya waxa ay ka caawiyeen burcad badeeda in ay

ka macaasheen Bilihii la soo dhaafay lacago aad u farabadan waxa ay dileen sanadkan gudihiisa Afar muwaadin oo u dhalatay dalka Mareykanka oo saarnaa Doon yar oo mareysay Xeebaha u dhow dalka Soomaaliya, taasina waa mid aan la aqbali karin”sidaa waxaa yidhi Taliyaha ugu sareeya ciidamada bada ee dowlada Mareykanka Admiral Robert Willard.

Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha u soo diray maraakiibta dagaalka xeebaha dalka Soomaaliya iyo kuwa gacanka cadmeed si ay ula dagaalamaan Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo dhibaato ba’an ku haya Maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.

Related Items


Leave a comment