Dayax Madobaad Laga daremay Soomalia Nairobi.

Thursday June 16, 2011 - 01:14:18
0 Comments
1265
Super Admin
Dadka musliminta ah ee ku kala Nool Dalalka soomaalia iyo kenya ayaa cawo abaare 9kii fiidnimo Dareemay dayax Madoobaad aad u cabsi geliyay dadka Muslimiinta ah ee ku kala nool dalalka Soomaalia iyo Kenya.
Daax madoobaadkan ayaa sida la sheegay waxa laga dhowrayay dalal badan oo carabta ah Waxana uu hadan kuso hor Maray qarka mid ah dalalka Africa oo aad loga daremay kasoo wal wal xoogel ku abuuray Dadka ku nool melahas iyadoo Dadku ay buux dhaafiyeen maajidada.

Qaar ka mid ah Gobolada dalka somaalia gaar ahan kuwa Putland ayaa aad loga dareemay dayax madoobaadkaasi iyagoo dadkun ay tukanayeen Salaad ilaahow loga baryayo danbi dhaaf balaran.

Sidoo kale dayax madoobadka waxa laga dareemay Dalka kenya gar ahan Nairobi oo ah meel ay ku nool yihiin Soomaali Aad u fara badan oo u jooga howlo badan.

Dayax madoobadkan waa kii ugu danbeeyay ee la arko mudo sanado ah waxase wararka qar ay shegaan in xita lagu Arkay dayax madobaad dalka ka tirsan qaarada Asia sida Sacidiga iyo yemen halka wadamo ka tirsan yurba la sheegay in lagu arkay.

Dhamaan musliminta calamka ayaa ilah weydiisanaya Danbi dhaaf iyago culumaa u dinta ay shegen in ay tahay tahay Cibaaro iyo awooda ilaah uu dadka aduunka saaan ku tusayo.

Xafiiska Warqabadka Burtinletimes Ee Narobi Kenya.

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment