Shabaabka Oo Soo Dhoweeyay Magacaabidda Ayman Al-Zawahiri.

Saturday June 18, 2011 - 11:59:49
0 Comments
988
Super Admin
Muqdisho: Ururka Diimedka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaalia xiriir fiican leh urur weynaha Al-qacida aya markii ugu horeysay Ka hadlay magacaabista Al-qacida hogamiyaha cusub ee lagu magaacbo Ayman Al-Zawahiri iyagoo sheegay shabaabku in ay soo dhoweynayaan hogamiyahasi cusub.
Af hayeenka ururka Shabaabka Shiikh Cali maxamuud Raage Cali dheere oo Waraysi gaar ah siinayay idaacad ku Hadasha Afka Shabaabka oo lagu magacaabo Al-Andulus ayaa sheegay in ay shababka ka mideysan yihiin la shqeynta Hogaamiyaha cusub ee Alqacida isagoo sheegay in ay horay ula soo shaqeeyeen hogamiyihii Geriyooday Ee Osama Binladin.

Shabaabka oo la aminsan yahay in ay yihiin Xubno ka faracmay Alqacida uuna aas aaskeda lahaa hogaamiyihii Geeriyooda ee Adan xaashi cayrow ayaa hadan ah urur hubeysan oo dagaal kala soo horjedo Dowlada KMG ah ee Soomaalia iyo cidanka Nabad ilaalinta Modowga Africa.

Si kasto ahaatee hal maalin uun ka hor ayay ahayd markii Urur weeynaha Al-qacida ay hogamiye cusub u Magacowdeen Dr Al-Zawahiri oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Masar horayna u ahaa Ku xigeenka labad ee ururka Al-qacida.

Dowlada Maraykankana waxa ay sheegtay in ay Al-Zawahiri ula dagalami donto sidii ay ula dagalamayeen Hogaamiyihii Gacantooda sababsaday ee Osama Binladin.

Burtinletimes Muqdisho Soomaalia.

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment