R/wasaare Somalia oo Soo Dhoweeyay Lacagaha La Duldhigay Hoggaamiyeyaasha Shabaab

Saturday June 09, 2012 - 03:24:47
0 Comments
925
Super Admin
R/wasaaraha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib Safarro Shaqo oo uu ku soo kala bixiyay wadamada Turkiga iyo Kenya Ayaa ka Hadlay arrimo ay ka mid yihiin lacagaha la duldhigay madaxda Shabaab iyo eedeymo loo soo jeediyay dowladda oo ku saabsan in ay Lunsatay Lacag.

C/Weli Maxamed Cali “Gaas” R/wasaaraha xukuumadda KMG oo shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ugu horeyn Ka war bixiyay safaradii uu ku tagay wadamada Kenya iyo Turkiga waxa Uuna sheegay in ay ku soo dhamaadeen guul.

Dhanka kale R/wasaaraha ayaa soo dhoweeyay Lacagaha ay Dowladda Mareykanka dulsaartay hoggaamiye yasha Kooxda shabaab, kuwaas oo Dambiyo ka galay ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna farta Ku fiiqay R/wasaaruhu in Shabaab dhibaatooyinka ay gaysanayaan ku ekeen Gudaha dalka oo kaliy haseyeeshee ay gaarsiiyeen dalalka Deriska ah Taasna aysan suurtagal aheyn in ay si nabad ah usii jiraan.

Mudane C/weli “Gaas” mar uu ka hadlayay eedeymo loo soo jeediyay Xukuumaddiisa taas oo ah in ay lunsatay lacag gaaraysa 130 Milyan waxa uu xusay in uu san ka hadlikarin maadaamada eedaymaha Ay soo jeediyeen Bankiga Aduunka wax shaqo ah ku laheen Xukuumadiisa.

Related Items


Leave a comment