Shabaabka Somalia ka dagaalamaysa laguma sheegi karo Mujahidiin diinta difaacaya.

Saturday May 12, 2012 - 17:52:15
1 Comments
5106
Super Admin
Waxaa is weydiin leh in qof kasta oo dadka xasuuqaa uu ciidamadiisa dadka u laaya si uu ugu dan xun gaadho ku dhaho waxaad tihiin mujaahidiin jannadana kabaha la idiinka saari maayo

In uu qofkaasi shaydaan yahay waxaa idiin caddaynaya in uu u hadlayo sidii uu hubo oo kale, iyada oo ruuxna ogaan karin masiirkiisa aakhiro qiyaamaha ka hor. Si uu qofkaasi dhallaanka u adeegsado wuxuu colaad la abuurtaa dadka wax garadka ah ama aqoonta leh isaga oo ka baqanaya in ay arrinka xun ee uu wato ka kadibiyaan.


Waxaa markii ugu horraysay Soomaaliya xoogag daalimiin ah oo dadka xasuuq nooc kasta ah u geysta u adeegsaday dagaal oogayaashii u xuubka siibtay ashahaado la dirirka. Kuwaas oo markaas dambe u adeegayey cadawga Islaamka guud ahaan gaar ahaanna ummadda Soomaaliyeed ee doonayey in ka dib markii ay ku guulaysteen in ay dumiyaan dawladoodii ay dumiyaan qarannimada Soomaaliyeed. Ciidamadaas waxaa loo yiqiin mooryaan wax caqiido diimeed ahna kama muuqan. Waxaana suurto gal ahayd in haddii culumo si wacan wax ugu sheegto in uu is daba qaban karay oo uu xumaanta ka toobad keeni karay meel ay la gaadhaba.


Wuxuu Alle SW dagaal oogayaashii ku barakiciyey midawgii maxaakiimta iyo shacabkii Islaamka ahaa oo gacan hagar la’aaneed siyey, waana sidii xaqa ahayd. Gaaladii soo dirsatay ashahaado la dirirkii waxaa kedis ku noqotay in iyaga oo aan filayn ciidankoodii la jebiyey, waxaase arrinkaas uga sii darnaa in aanay jirin cid kale oo Soomaali ah oo diyaar u ahayd oo ay hawl geliyaan. Waxayna garteen shakina ku jirin in dawladdii ashahaado la dagaalanka ee lagu soo dhisay Imbigathi Kenya midawga maxaakiimtu cagta marinayaan. Markaas ayaa talo waxay ku soo ururtay in lagu amro in ay ogolaadaan in ciidamo Itoobiyaan ahi dalka soo galaan.


Midawga maxaakiimtu waxay ahaayeen mujaahidiinta xaqa ah waayo waxay u dagaalamayeen in kitaabka Alle kor ahaado oo keliya, waana caddaatay arrintaasi intii yarayd ee ay hayeen maamulka.


Markii ciidamada Itoobiya kala tuureen midawgii maxaakiimta oo aan lee yahay wuxuu Alle ka doonayey in uu kala caddeeyo kan iimaankiisa ka runta sheegaya iyo kan kale, ayaa waxaa ka hoos dhashay cudud uusan afkooda iyo addinkoodu is waafaqsanayn. Waxay sheeganayaan in ay yihiin mujaahidiin la dagaalamaya gaalada dalka ku soo duushay, isla mar ahaantaasna gaalada iyo dadka muslimiinta ah waxay u daran yihiin muslimiinta. Waxayna sidii ashahaado la dirirkii oo kale colaad ka dhex abuurteen culumadii waaweyneyd oo dhan si ay iyaga iyo dhallaan aan diinta waxba ka aqoonini isugu keliyeystaan si ay dan dadban ugu gaadhaan.


Kitaabkii Alle si kasta way ugu tunteen ruux alla ruuxii naqdiyana ee ka mid ah culumadii la yiqiin ee Soomaaliyeed waxay ku tilmaameen gaal waxayna sidaas ku xalaalaysteen dhiigiisana, lagana kala cararay, waana inta ay doonayeen. Iyaga oo sidii ashaahado la dirirkii oo kale u sheeganaya mujaahidiin ayay haddana dadkii Islaamka ahaa dhiigoodii iyo hantidoodiiba xalaalaysteen. Waxayna gaadheen in qof alla qofkii diida ay horay si qarsoodi ah ugu dilaan, in badan oo kalena way ka fakadeen.


Mujaahidnimado waa derejo Alle bixiyo cid kale oo iska sheegan kartaana ma jirto. Jahaadkuna wuxuu lee yahay xeer iyo shuruud wixii aan xeerkaas iyo shuruudaas waafaqsanayni ma aha jahaad. Waxaa rasuulka ka sugnaaday xadiiskan hoos ku xusan oo sheegaya in rasuulka la weydiiyey in dadku dagaal galo ee waa kee kan jahaadka ahi, markaas ayuu ku dhahay ruuxii u dagaalamaya in kitaabka Alle lagu dhaqmo oo keliya ayaa jahaadkiisu xaq yahay, laakiin ka u dagaalaya maskab, ha lagaa sheego, xoolo ku hel iyo wax kasta oo kale oo ka mid ah dhalanteed adduunyo ma aha jahaad ee waa fitno.

حَدَّثَنَا عُثْمَانُ قَالَ أَخْبَرَنَا جَرِيرٌ عَنْ مَنْصُورٍ عَنْ أَبِي وَائِلٍ عَنْ أَبِي مُوسَى قَالَ جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ يَا رَسُولَ اللَّهِ مَا الْقِتَالُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَإِنَّ أَحَدَنَا يُقَاتِلُ غَضَبًا وَيُقَاتِلُ حَمِيَّةً فَرَفَعَ إِلَيْهِ رَأْسَهُ قَالَ وَمَا رَفَعَ إِلَيْهِ رَأْسَهُ إِلَّا أَنَّهُ كَانَ قَائِمًا فَقَالَ مَنْ قَاتَلَ لِتَكُونَ كَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ عَزَّ وَجَلَّ *(البخاري 120).


Marka bal aynu soo koobno falalka Shabaabta in ay yihiin kuwo u dagaalamaya in kitaabka Alle kor ahaado iyo in kale. Waxaan doonayaa in aan halkan si kooban ugu xuso in ay diintu badbaadiso qofka 1) dhiigga 2) hantidiisa, 3) diintiisa, 4) sharafkiisa iyo 5) , . Qofkii intaas laga waayo sida uu diin ku sheeganayo ma garan karo. Marka waxaan lee yahay Shabaabtu waxay ku sugan yihiin fitno ay ku toobad seegi doonaan. Sida culumadu sheegto Abuu Lahab wuxuu u dhintay cudur xun oo aan horay loo arag ka dibna la arkin, waxaana la dhahaa aayaddan hoos ku dhigani iyo dhawrka ka horreeyaaba isaga iyo intii la asaag ah ayay ku soo degeen. Waxay aayaddu sheegaysaa in haddii rasuulka iyo mu’miintu u dembi dhaaf weydiiyaan todobaatan jeer uusan Alle marna u dembi dhaafayn.


اسْتَغْفِرْ لَهُمْ أَوْ لَا تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ إِنْ تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ سَبْعِينَ مَرَّةً فَلَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَهُمْ ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ كَفَرُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ(التوبة 80).


Sidaas darteed waxaa muuqata in ay jirto heer marka ay ruuxa dembiyadiisu gaadhaan uusna toobad yeelanayn. Waxaan halkan idiinku soo koobayaa waxyaabihii dhacay ee ay Shabaabtu sameeyeen intii Alle iga xasuusiyo.


  1. Kismaayo in ay iyagu gacanta ku hayaan oo ay xukumaan ayay dad muslimiin ah ugu sheegeen gaalo si ay u xalaalaystaan dhiigooda.

  2. Ka hor inta uusan dhicin dagaalkii Kismaayo ku dhexmaray Shabaabta iyo Xisbul Islaam ayaa xisabul Islaam u diray ergo u sheegta in dagaalka dadka muslimiinta ah dhexdooda ahi yahay xaaraan ee aan isu nimaadno oo khilaafkeenna ku dhammaysanno wada hadal iyo nabad, markaas ayay ergadii oo ahayd odayaal reer Kismaayo ah ku soo dheheen ma gaaladii ayaad ka tihiin ergo,

  3. Dadkii muslimiinta ahaa ee ay ku laayeen Kismaayo waxay dheheen waa gaalo oo lagu tukan maayo.

  4. Dagaalkii ugama hadhin ee waxay ku qabsadeen goboladii Jubooyinka oo dhan, dagaaladaasna waxaa ku dhintay muslimiin aan waxba galabsan.

  5. Waxay madaxdii Xisbul Islaam ula yimaadeen aan midawno waa yeeleen hase yeeshee waxay diideen in la sameeyo shuuro iyo in ruuxii lagu sheego gaal la soo caddeeyo gaalnimadiisa, sidaas ayayna midnimadii ku duntay,

  6. Waxay miino ku xidhaan dhallin yaro aad diinta waxba ka aqoonin iyaga oo leh jannadii ayaad maantaba geli doontaa.

  7. Waxay Huteel Shaamaw ku qarxiyeen ubadkii wax u soo bartay ummaddooda Islaamka ah, ma qiran waayo wax jid ah kuma heleen,

  8. Shaamaw ka dib waxay Xisbul Islaam ula yimaadeen midawga waanu ogol nahay haddii aad madaxnimada Sh. Hassan ii dhaafayo aniga oo ah Ahmed Godane, wuxuu ku hahay waa tahay, hase yeeshee isagii ayaa diiday isaga oo aan doonayn wax awood qaybsi ah oo dhex mara labada urur,

  9. Waxay kale oo arday wax barasho u socotay ku xasuuqeen Wasaaradda Hargaha iyo Saamaha, markaas ayay dheheen waxaanu laynay gaalo

  10. Waxay qof ay miineeyeen ku laayeen dad in badan oo mu’miniin ahi ku jiri karto oo ku shirayey Teatarkii Muqdisho,

  11. Waxay caadaysteen in ay madaafiic ku garaacaan magaalo 100% muslimiin ah oo laga addimayo lagana tukanayo,

  12. Waxay Shabaabtu bilawday in ay Xisbul Islaam meelihii ay joogeen oo dhan kala wareegto ka dib markii ay ku qanceen in aanay la dagaalamayn,

  13. Waxay Shabaabtu Xisbul Islaam kala wareegeen Hiiraan oo dhan iyo Gobolada dhexe ka dib markii ay soo joogsatay in looga baxo iyo lagula dagaalamo,

  14. Waxaa ugu damabysay Buur Xakabo oo ay culumadii iyo ciidankii Xisbul Islaam iyaga oo shareecadii Islaamka fulinaya ay ku laayeen si ay iyagu uga taliyaan koonfur oo dhan, in kasta oo dagaallo dhex mareen haddana Sh. Hassan ayaa loo mari waayey oo ku adkaystay in muslimiinta dhiigooda la kala baajiyo, shabaabtuse arrinkaas ma dhawrin,

  15. Ugu dambayn waa kuwii Xamarna kala wareegay, wixii hub iyo ciidan ahaa ee ay haysteen ayay ka qaateen iyagiina suuqa ayay uga dhaqaaqeen, xataa waxay u diideen in ay jahaadkii socday ka qayb qaataan.Muslimiin jahaadka lagu dhiiri geliyo ayaan la arki jiray welise lama arag kuwo keligood mooyee cid kale u rabin in ay jahaadaan,

  16. Mar la dhahay ha la beddelo magaca waa diideen, shirkii culumada Soomaaliyeed ee ka dhacay Baydhabo iyo shirkii ka dambeeyey ee aqoon yahaynada iyo culumadu ku galeen Shabeelada Hoose waa ay diideen wixii go’aamo ahaa ee ka soo baxay.

  17. Int ay dad Islaama ku dileen waa gaaloobay been ah ciiddaas ka badan.

  18. Waxaa Shabaabta lagu asaasay Hargeysa sidaas darteed talo gaalo kama maqnaan karto dhaqan diin la’aaneedna waa ay ka muuqataa, Alle ayase soo bandhigi doona.

  19. Waxaa intaas u dheer in ay dhac iyo boob ku qaateen xoolo ama hanti dad muslimiin ahi lee yihiin kuna xalaalaysteen.

  20. Waxay gubeen dhirtii oo ay dhuxul ka dhigteen una iib geysteen adduunka si ay u helaan hub ay dadka ku laayaan, taasina waa fasaad oo ah ruuxii la yimaada wax dhibaato ah oo aan horay u jirin, sida dhirta oo la gubo, qaniisnimada iyo wiixi la mid ah.

Dad ayaa jira intaas in ka badan oo xumaan ah ka sheegi kara oo iigaga sii xog oglaasan.

Marka sow ma cadda in Shabaab khilaafsan yihiin kitaabkii Alle iy sunnadii rasuulka, aanayna ahayn mujaahidiin ee ay yihiin ashaahdo la dirirkii oo soo gashaday shaati Islaam. Sow ma cadda in ay yihiin takfiir oo astaamihii takfiir oo dhammi kama dhex muuqdaan.


Waxaan lee yahay mujaahidnimada Shabaabta kama duwana mujaahidiinta ashaahado la dirirka. Dhallaanka Soomaaliyeedna waxaan uga digayaa in ay ku hodmaan. Waxaa la hubaa in ay maskab adduunyo doon yihiin ee aanay Alle doon ahayn.


فَمِنَ النَّاسِ مَنْ يَقُولُ رَبَّنَا ءَاتِنَا فِي الدُّنْيَا وَمَا لَهُ فِي الْآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ




G/le Sare Omer Suleiman Ali24/04/12


Related Items

Comments


Leave a comment