Ra'iisul-Wasaare Maxamed Farmaajo Oo Is-casilay

Sunday June 19, 2011 - 14:32:47
0 Comments
1156
Super Admin
War Deg Deg ah : Ra'iisul-wasaaraha Xukumadda KMG ah Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajoo ayaa goor Dhaweyd Warbaahinta isagu yeeray ayaa ku dhawaaqay innuu Is-casilay xilkii Raysal wasare nime ee uu u hayay Xukuumada KMG ah ee Soomalia intii Qaran-ka Soomaaliya uu u bur-buri laheyd dartiis.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Is-casilay Markii uu Cadaadis Xoogani uga yimaaday Dalalka Uganda iyo Ethiopi-ya iyo Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif shiik axmed.

Raysal wasarihii hore ee Soomaalia Mr farmaajo ayaa hareerahisa waxa fadhiyay golaha wasirada iyo madaxweyne shariif shiikh axmed isagoo shegay in aysan dhici karin in Qaranka soomaliyeed uusan isaga u bur burin karin sidaas dareedna u Xilka ka tagay.

Maxamed C/laahi ayaa sidoo kale sheegay in uu sii joogi doona dalka soomaalia si uu dagaal ula sii galo kooxaha kasoo horjeedo dowlada KMG ah ee Somaalia.

Si kasto ay ahaato is casilaada Raysal wasarahii hore ee dowlada KMG ah ee soomaalia ayaa waxa ay niyad jab weyn ku Noqoty Soomaali badna oo Taageerayay hor markii Raysal wasare Farmaajo

Burtinletimes Muqdisho Soomaalia
Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment