Ethopia Oo Taagertay Heshiskii Labada Shariif Ee Kampalla.

Sunday June 19, 2011 - 14:56:53
0 Comments
1089
Super Admin
Adis Ababa: Dowlada Ethopia ayaa si buuxda u taagertay heshiiskii ay labada sharif ku garen magaalada kampala ee dalka ugandha. Raysal wasaaraha dalka Ethopia Ato Melez Sanawi ayaa sheegay in heshiiskaasi ay dowladisa aad usoo dhoweyneyso waxana Tagerida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxaay xarunta mdaxtoyada dowlada Ethopia
Bayaanka kaso baxay xarunta madaxtooyada dalka Ethopia ayaa lagu shaaciyay in Dowlada Ethpia ay si buuxda u Taageersan tahay heshiiskii dhex maray labada shariif ayna kasoo horjeedo mudaharadyadii ka dhacayay magaalada Muqdisho ee lagu tagerayay Raysal wasarihi xilka ka tagay Farmaajo sidoo kale waxa qoralka ku xusnaa in dowlada Ethopia ay soo dhoweyneyso in shir weyne dib u heshiisin lagu qabtay casimada dalka soomaalia ee muqdisho si la isigu Keeno dhinacyda isku haya Dalka Soomaalia.

Bayaanka aya sidoo kale lagu sheegay in Dowlada Ethopia ay markasta garab tagan tahay dowlada KMG ah ee Soomaalia tasoo uu madax ka yahay shariif shiikh axmed si meesha loga saaro kooxda Shabaab.

ugu danbeyn Raysal wasaaraha dalka Ethopia Sanawi aya u bogadiyay ciidanki xoogan dalka soomaaliyeed ee dilaka u Geystay hogaamiyihii Al-qacida ee geeska Africa Fazuul Cabdalla isagoo tilmaamay in ay tahay guul ay keeneen Ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Dowlada Ethopia aaya ka mid ahayd dowladhihii cadadiska ba an ku hayay Raysal wasaarihii xilka ka tagay Farmaajo iyadoo inta badana Arimaha soomalia faraha kula jirto.

Burtinletimes Adis Ababa Ethopia

Buritnletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment