Xaflad looga hadlayay u adeegida danta guud iyo casharada laga barto ayaa lagu qabtey magaalada London

Saturday July 02, 2011 - 21:59:49
0 Comments
1945
Super Admin
Xaflad looga hadlayay u adeegida danta guud iyo casharada laga barto ayaa lagu qabtey magaalada London

Xaflad aad u qurux badan islamarkaana ay ka soo qayb galeen bahda isboortiga Soomaaliyeed ee degan magaalada London ayaa lagu qabtey xaafada Wembley, xafladaasi waxaa soo qaban qaabiyay ururweynaha mideynta qurbajoogta isboortiga Soomaaliyeed ee UK oo ay madax ka yihiin rug cadaa isboortiga Soomaaliya mudo dheer ku soo jirey sida Gudoomiye Axmed-Nur Maxamed Xaashi ‘’Sayga Ruushka’’ iyo Gudoomiye ku xigeenkana ka yahey Mudane Cabdulqaadir Xuseen Bootaan ‘’Isoomareey’’, halka Afhayeenka ururkana u yahey Cabdirashiid Ismaaciil oo ah nin suxufi caan ah.

Xaflada waxaa ka hadley dad aan u badan iyo madaxda ururka, kuwaasoo hadaladooda ay u badnaayeen howlaha horyaala ururka mideynta isboortiga Qurbajoogta iyo waxaa looga fadhiyo inay qabtaan mustaqbalka soo socdo hadii Eebe idmo.

Waxaa kale halkaasi ka hadley gabar Soomaaliyeed oo soo baratey isboortiga islamarkaana ka ciyaarta kubadda koleyga jaamacad ku taal dalka Mareykanka lana yiraahdo Manal cali, Manal cali waxaana dhasheyShukri Dhalbaasoo ahhooyoisboorti , kana soo mid ahaan jirtey gabadhaha kubadda koleyga dalka Soomaaliya barisamaadkii, gaar ahaan kooxda Muqdisho.

Gudoomiye Sayga ayaa ka sheegay xaflada markii uu hadlayayinay wakiilo ka sameyaandalka Sweden islamarkaana ay meelo kalane ay ka sameyn doonaanwakiilada ururkooda ilaa Soomaaliya, haatan dalka Sweden magaalada Stockholm waxaa wakiil uga noqonaya ururka rug cadaa isboorti oo ka mid ahaan jirey kooxda Jeenyo iyo Xulka dalka Soomaaliya Bashiir Jeenyo, halka magaalada Gothenburgwakiilna uga yahey ciyaaryahankiihoreee MBC CLUBCabdiraxiim Faagte.

Waxaa kale uu gudoomiyaha hadiyad qaali ah gudoonsiiyay la taliyaha Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Baana Cali,’’ Farmaajihii Isboortiga’’ kubadda koleyga Soomaaliya howlaha u soo qabtey darteed waqtigii adkaa, si loogu muujiyo inay jiraan dad Soomaaliyeed oo aaminsan in si foolxun loogu awood sheegtey in laga saaro shaqadii uu hayay kubadda koleyga, kadib markii kooxda GOS ay afka u dhigteen dhaqaalihii kooxda Soomaaliya uga qayb gali laheyd cayaarihii Rwanda.

Waxaa xaflad ka soo qayb galey oo lagu soo dhaweeyay ururka Somaliweek madaxdooda oo dhan sida Gudoomiye Xuseen Deeq, Isloow Xoghaye iyo saciimka isboortiga bulshaawi Al-Xaaji Maxamed Buuwe.

Waxaa xaflada heeso dhaxtaal ah ka qaadayay fanaanka caanka ah ee King Khalid, kadibna dadkii ka soo qayb galey dhamaantood iyagoo ku faraxsan ka soo qayb galka xafladatan ayay meesha kale laabteen farxad iyo reyn reyn madaama ay qiimo ugu fadhidey inay isku arkaan meelahaanwanaagsan oo kale.

Dhanka saxaafada waxaa barnaamijkaka qayb qaadanayay Cabdinaasir Sola , Jabriil , Cabdiqani iyo Cabdi Xaafid iyo SSPAMEDIA, halka uu barnaamijka daadihinayay Xasan Daauus.

Xaflada waxaa ka soo qayb galey ciyaartooydii hore wiilal iyo gabdho iyo dadkii madaxda ka soo ahaa isboortiga Soomaaliya qaarkood sida sawirada ka muuqato.

Dhanka sawirada waxaa iga caawiyay mahadsane Danjire Maxamed Axmed ‘’Caalin’’


SAWIRADA OO DHAMAYSTIRAN HALKAAN KAWAADO



W/D Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com||London||SSPAMEDIA

Related Items


Leave a comment