Ciidamadda AMISOM Oo Mushaarkooda La Dhimay

Sunday July 03, 2011 - 13:26:32
0 Comments
915
Super Admin
Ciidamadda AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in la dhimay Mushaarkii la siin jiray.
Mid ka mid ah Ciidamadda Uganda ee Shalay loo celiyay Magaaladda Kampala markii kuwo kale lagu badalay ayaa u Waramay Wargayska Daily Minitor ee ka soo baxa Dalkaasi.

Askarigaan oo lagu Magacaabo Maj Kamara ayaa sheegay in Mushaarkii la siin jiray oo gaarayay $ 1,028 in haatan laga jaray $ 200 ayna ilaa hadda Sababta ogeyn.

Maj Kamara ayaa dhinaca kale xusay in Ciidamadda Brundi ee ay isla howl galaan adeegyadoodu u dhamaystiranyihiin balse iyaga xitaan Askarta Geeryootay magdhoow aan laga sii Ehelkooda.

Sikastaba ha ahaatee Afhayeenka Ciidamadda ayaa sheegay in la dhimay Mushaarkii la siin jiray Askartooda oo dib loogu celiyay kii kal hore ay qaadan jireen ee ahaa Felix Kulayigye.

Burtinletimes Muqdisho Soomalia

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment