Ururka Al Shabaab Oo Deeq Lacageed Gaarsiiyay Dad Ay Khasaaro Ka Soo Gaartay Duqaymaha Ciidamada AMISOM (SAWIRRO)

Wednesday March 30, 2022 - 14:18:22
0 Comments
341
TUULADA SIIGAALE

Ururka Al Shabaab oo inta badan la dagaalama Dowlada federalka Iyo ciidamada AMISOM ayaa deeq lacag ah gudoonsiiyay dad ay khasaaro ka soo gaartay duqaymaha ciidamada Amisom.


Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose ee Al Shabaab ayaa garab istaagtay dadka ku dhaqan tuulada Siigaale oo u dhow degmada Jannaale, kuwaasoo dhawaan duqeyn ba’an kala kulmay ciidanka Uganda ee heysta Jannaale.


Askarta Uganda ayaa Hoobiya kasoo tuuray fariisimayaashooda Jannaale, waxaana ay ku dhaceen dad, xoolo iyo guryo Duqeynta ayaa sababtay dhimashada 5 qof oo haween iyo caruur isugu jira, sadax kamid ah waxay ahaayeen hooyo iyo labadeeda gabdhood oo uu Hoobiyuhu gurigooda kula soo dhacay.


Wafdi uu hor kacayo Waaliga Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Sh/hoose SH/C/samad (Abuu C/raxmaan) ayaa gaaray tuulada si ay tacsida iyo dhibka ula qeybsadaan bulsahda degaankaas, isagoona kormeeray guryaha ay madaafiicdu ku dhaceen islamarkaasna la kulmay ehelada dadkoodu ku dhinteen duqeymahan.


Ugu dambeyntii waxaa lasoo tira koobay dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay duqeynta ciidanka shisheeye ee Uganda, waxaana la siiyay lacago ay ku daweystaan dadka dhaawaca ah oo intooda badan loo qaaday Muqdisho iyo lacag ay ku dayac tirtaan guryahooda.






Meeraysane.com

 

Related Items


Leave a comment