AShabaab Oo Madafiic Ku Weerartay Ciidamada AMISOM Degaanka Buurane Ee G/Shabeelada Dhexe

Wednesday September 15, 2021 - 12:40:13
0 Comments
247
Mahadaay

Wararka Ka imaanaya Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Ururka Al-Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM gaar'ahaan kuwa Burundi ku leeyihiin degaanka Buurane ee degmada Mahadaay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad ku dhawaa goobta ayaa waxaa ay sheegeen in maqleen madaafiic kusoo dhaceysa degaanka, waxaana la sheegay inay ku dhaceen in ka badan 10 madfac Gudaha xerada iyo dhinacyadeeda.

intaasi waxaa dheer inay jiraan khasaarooyin ka dhashay madaafiicda, balse ilaa iyo hadda lama xaqiijinin, majiraan faah-faahin ay bixiyeen saraakiisha ciidamada Burundi.

Ciidamada Burundi ee ku sugan Saldhiga la weeraray ayaa dhankooda waxaa ay rideen madaafiic xoogan oo ku dhacayay duleedka degaanka buuranee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kal hore ayeey ahayd markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellah Dhexe.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment