Kolleyba Cudur ku dhalatee caafimaad ku barbaar.

Monday July 04, 2011 - 07:59:50
0 Comments
1072
Super Admin

Dowladani waxay dhalanaysa ayado qabta cudur la yiraahdo Mahiga-sakiin.

Waxay ku dhalanaysaa, sida u qorayoheshiiskii kampala, in ay qaybsadaan sakiin, shariif han-yareiyo ra’iisulwasare Cabdiweli.Waxaa kale oo an doonayn inay ka faramarraadaan arrinta Mr Faroole iyo Mahahiga oo doonaya wakiilladooda .

Saas awgeed waxaa cad in saamiga Cabdiwali(ama an dhahno midka somaliyeed ) u noqonayo¼ -1/5 haddu ugu sare maro.Waxaan arki doonaa caamiliin soomalinimada mar hore ka jaqaafiyeyoosi khasab iyo la hardan shacbiga somaliyeed ah loogu soo daro golaha wasiirada. Caamiliintaasi waxay wasiiro ku noqonayaan doonitaanka cida iska leh.Sakiin iyo Mahiga yey wakiil uga noqonayaan golaha wasiirrada, ayagayeyka amar qaadanayaanuna adeegayaan marka loo baahdana khalkhal u galinayaan ha’adahadowliga ah si dib wax looga soo bilaabo.

Kooxda sakiin-Mahiga waxay kulmisaa danaha dhammaan wixii dan ah ee dhan ka ah danaha somaliyeed; waxay midaysaa inta an dani ugu jirin in somaliya u jihaysato xaga dowladnimo soo- celin:cadaw somaliyeed, mafiayada caalamiga ah oo kala duwan, si-xun-u-nosha somaliyeed iyo warlord-yadii oo hilow u qaba barisamaadkoodiii. Intaa oo idil warmahoodii yaa ku kulmay Farmaajo Cabdiwalina jidka u fadhiya. Dhibaata kastaa waxay leedahay dhankeeda san oo arrintani waxay khasabtay in cadaw badani maskarada(hagoogta) xooro.

Sida daraadeed waa in somaliyi ogaataa in dowladani,haddiiba an jidka laga bayrin,in ay tahaymid dhalanaysa ayada oo lugaha iyo gacmahaba ka xiran.

Walow ayna jirin sabab kali ah an uga shakino ilaa hadda niyadsamidaDr. Cabdiwali iyo dhowrka ka hari doonta kooxdiisii hore, haddana waxaa sii muuqata in awooda laga sii siibey xukuumada la filayo.Waa xukuumad dhicis laga dhigay ayadoon wali dhalan ilamana badna waxqabad xoog leh ee laga fishaa. Kuwa dhisayaa dowladan (shariifyada iyo Mahiga) ma aha kuwo qaylodhaanta shacbigu wax la tahay. waa kuwo yasa shacbiga oo u haystaa wax ma garad ay say doonaan ka yeeli karaan.

Waxyaabihii dalka ka dhacay kampala ka dib waxba u sheegimaayaan shariifyada, Asxaabtooda iyo Mahiga. Barlamaanku kama duwana kamana duwanaandoono suuqii xoolaha ee u ahaan jireyoo ma aha mid u diyaarah inuu garab istaago kooxda yar ee ka soo haridoonta xukuumadii formaajo e samadoonka ah . Barlamaanku waa xalaaleeyexaraan kasta ee ay horkeenaan si-xun-u-nooshu. Shariifyo iyo barlamaankaba waxaa kala weyn danaha iyo talooyinka somaliyeed shuhuubooyin la yiraahdo ethiopia, Mahiga iyo “bulshada caalamka”. Kuwaas raalli galintooda yeymada-hu-sheegu u kala dhuuntaan garabna ayaga yey ka dalbaan. Inta kor ku sheegani waxay cadaynaysaa in xukuumadani dhalanayso ayado cudur qabta haddana waxaan rajeynaynaa in ay caafimaad hesho oo wax qabato.

Waxa qiimo iyo sharafbaleh eekayd u ah unaxaklinayaa dhinaca dr. Cabdiwali waa taggeradii shacbiga somaliyeed u muujiyey kooxdiisii Formaajo hoggaaminayey iyo neceebkii la tusaysakiin iyo saaxiibadi ee gilgiley xeryihii qabiil (walow usan markaan wada jabin) ee dadka somali lagu khasbayey mudo dheer. Waa in ay xooiyaan ayna maalaan taageeradaa shacbiga.

Arrintaasi waxay siinaysaa teaam-ka Cabdiwali awood dheeraad ah oo ay ku xannibaan ugu yaraan qaar aafada Shariif sakiin iyo saaxiibadi la wareegayaan waana in ay ku xisaabtamaan oo ogaadaan in dadka somaliyeed ayaga la jiro. Farriinta dadka somaliyeed waxay tahay: nagu tashada, ha naga taginaoo ha nuglaanina cagajulaynta caamiliinta Ethiopia iyo si-xun-u-noosha.

Talo :

  • Ra’iisulwasaaraha:waxaan leenahay sii qaad oo yaan cidina kaa wecin dhabbihiiad horaywax uga fashay.
  • Yaan tanasulaat kugu sii fida maalinba maalinta ka dambaysa oo an loo baahnayn lagu galin. Magacaaga, sharaftaada iyo mustaqbalkaaga adiga yuu kuu gaar yahay waxaana qormaysa taariikh.
  • Aamin,raadi Kuna tasho taageeradashacbiga somaliyeed oo idil.
  • Shacbiga somaliyeed:waxaa kampala muujisay in nala ka talo baxayoo an cidla taaganahay. Xataa kuwa barlamaanka bululuq jooga waxba kuma toorna. Waa shaabad loo haysto in lagu dhufsado go’aannoa xaraan ah marka loo baahdo.
  • Si loo badbaadiyo dadka iyo dalkii an aabeyaal ka dhaxalnay waxaa loo baahan yahay in an meel kasta iyo si kasta u sii xoojino kacdoonkiixamar ka bilowday oo ugu horrayn iska dhex saarno adeegeyaalka cadawga ee nagu dhex jiraoo an cidna ka qarsoonayn.
  • Waxaan kula talinayaa aqoonyahannada somaliyeed in xashka ay ka soo baxaan oo si muuqata ugu adeegaan danta dalka. Adeegeyaalka si-xun-u-noosha iyo cadawgu kama sheexaan shacbiga iyo aqoonyannada midna marka ma muuqato sabab looga gaabsadaa ama looga gabbadaa oo loogu fiirsadaa habaabinta iyo halaaga dalka iyo dadka. Dulmiga iyo dal dhiibada oo laga gaabsadaa waxay la mid noqonayaan ka qaybqaadasho.


Cabas C. cabdi

Related Items


Leave a comment