Wasaaradda Caafimaadka XFS oo gawaarida degdega ku wareejisay dhigeeda Galmudu

Wednesday January 31, 2024 - 18:38:17
0 Comments
77
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa maanta sedax Gaari oo labo ka mid ahi yihiim naaca gargaarka deg degga ah (Ambulance) halka kan sadexaadna uu yahay nooca Hartop-ka oo isgaguna loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Galmudug.

Munaasabadda Wareejinta Gawaarida waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Abdijaliil, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad gobaleed Galmudug Cabdiwali Maxamed Axme iyo xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Galmudug Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac ayaa ka mahadceliyey Gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna tilmaamey in loogu adeegi doono bulshada dowlad goboleed Galmudug si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.

Related Items


Leave a comment