Gaas ''Al-Shabaab Waan Ka Saaraynaa M/Muqdisho

Tuesday July 05, 2011 - 22:15:57
0 Comments
903
Super Admin
Ra'iisul-wasaaraha Xukumadda KMG ah ee Soomaaliya C/weli Gaas oo Waraysi siinayay Wakaaladda Warar-ka ee Associated Press (AP) ayaa sheegay innay dhawaan bilaabayaan Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

C/weli Maxamed Gaas ayaa xusay in Muhimadda Koobaad ay siinayaan soo celinta Nabaddii Dalka ka luntay,ayna bilaabayaan Dadaalo lagu soo celinayo kala dambeyntii.

Waxaa uu ku nuux nuuxsaday innay dhawaan bilaabayaan Weeraro ka dhan ah Al-Shabaab oo uu sheegay innay xiriir la leeyihiin Urur Weynaha Al-Qaa'idda,isagoo Codsaday in la taageero.

Sikastaba ha ahaatee Ra'iisul-wasaare Gaas ayaa dhinaca kale sheegay innuu dhawaan soo dhisayo Xukumad tayo iyo Waxqabad leh.


Burtinletimes Muqdusho Soomaalia

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment