labo ruux ayaa geeriyootay 222-kalena dhaawacmeen kadib qarax gaas oo ka dhacay magaalada nairobo kenya

Friday February 02, 2024 - 14:56:50
0 Comments
56
ahmed raajaa
NAIROBI
Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku geeriyootay Magaalada Nirobi, 222 kalena waa ay ku dhaawacmeen ,kadib markii Gaari xamuul ah oo siday gaas  uu ku qarxay degmada Embakasi ,sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda dalka kenya.

afhayeenka oo lagu magacaabo Mr Mwaura ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay warshad gaas ,kadibna dabka uu ku fiday bakhaar lagu sameeyo dharka, dunta iyo guryo dabaqyo ah oo agaas ku yaalay.

Goob joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta gudaha u sheegay inay in dadka dhaawacmay ay  ku jira ugu yaraan 25 carruur ah, sida uu sheegay wargeyska Standard.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay la adkeeyay, isla markaana la sameeyay xarun talis oo gacan ka geysata isku xirka howlaha samata bixinta.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment