Wiil Soomaaliyeed oo ka tirsan da'yarta mustaqbalka kooxda Chelsea oo ka qayb galey koobka Nike Football oo lagu qabtey garoonka Manchester United

Sunday August 14, 2011 - 17:35:09
0 Comments
2096
Super Admin
Wiil Soomaaliyeed oo ka tirsan da'yarta mustaqbalka kooxda Chelsea oo ka qayb galey koobka Nike Football oo lagu qabtey garoonka Manchester United
Ciyaaryahan Mukhtar Cali Afgooye oo ka tirsan kooxda da'yarta mustaqbalka Chelsea ayaa ka qayb galey koobka Nike football oo lagu qabtey magaalada Manchester oo ay si wadajir ah ugu qabteen garoonka weyn ee Old Trafford shirkada dharka isboortiga sameysa ee Nike iyo kooxda Manchester United.
Waxaana ka soo qayb galey kooxo waaweyn oo ka dhisan caalamka oo laga ka kale keenay shanta Qaradood ciyaartooyda da'dooda ka yartahey (U15), Muqtaar oo u dheela kooxda Chelsea intii uu socdey tartankaan waxaa garab taagnaa oo taageerayay waalidkiis iyo walaalihiis oo uga soo socdaaley magaalada London tartankaan, waxaa kale meesha ugu tagey si ay u dhiirigaliyaan ciyaaryahan Cabdisalaam Ibrahim Caddaay oo ka tirsan ciyaartooyda kooxda Man City balse hada kooxda NEC Nijmegen ugu maqan amaah lix bilood ah iyo aabihiis Garsoore Cabdulqaadir Caddaay.

Ciyaaryahan Muqtaar yare waa wiil mustaqbal ku leh ciyaarta kubadda cagta islamarkaana aan goob joog ahaa mar lagu qabtey magaalada Manchester City ciyaaro lagu xulanayay da'yarta Soomaaliyeed inuu ahaa wiilkii ugu horeeyay ay kooxda City ka qaadato galabtaas garoonka, balse markii dambe kooxda Chelsea ay ka soo qaateen ciyaaro iskoolka uu dhigto lagu qabanayay, waxaa xusid mudan in Muqtaar uu dhaley xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya islamarkaana soo noqdey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya dowladii lagu ridey go'aanadii ka soo baxey shirqoolkii Heshiiskii UGANDA loogu yeeray.
Waxaan u rajeynayaa Mukhtaar Cali Afgooye mustaqbal qeyr badan iyo inuu ka gaaro kubadda cagta meel wanaagsan, islamarkaana uu u noqdo role model ay ku daydaan caruurta Soomaaliyeed insha Allah.

W/D: Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Related Items


Leave a comment