South Sudan ''Ciidamaan U Diraynaa Dalka Soomaaliya

Wednesday August 17, 2011 - 01:42:37
0 Comments
879
Super Admin
Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay innay Ciidamo Nabad-ilaalineed u dirayso Dalka Soomaaliya si ay u Caawiyaan Xukumadda KMG ah ee aan Awoodeedu dhamays tirnayn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda South Sudan State Deng Alor Kuol oo la hadlayay Bbc-dda qeybta Focus on Africa Programm ayaa sheegay innay diyaarinayaan Ciidamo ay u diraan Somalia.

Koonfurta Suudaan ayaa dhawaan gooni u istaagtay,waxaana ay Dal Africa ka mid ah noqotay oo u Dabaal degtay 9-kii Bishii July 2011-ka.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo gaaraya 9,000 oo Askari kuwaasoo ka kala socda Dalalka Uganda iyo Brundi.

Midowga Africa ayaa kal sii horaysay ka dhawaa jiyay in loo baahanyahay Ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 20,000 si meesha looga saaro Dagaalyahanadda Al-Shabaab.

burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment