Dhakhtarad Maraykan Ah Iyo 9-Ruux Oo Islaamay !!!

Sunday August 21, 2011 - 01:59:14
0 Comments
1488
Super Admin
Dhakhtarad u dhalatay waddanka Mareykanka iyo 9 qof oo kale ayaa waxa ay ku Muslimeen dalka boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dhakhtarada Mareykan ah iyo 9 qof oo kale oo rag iyo dumarba leh ayaa waxa ay shaaca ka qaadday inay ku qanacday Diinta Islaamka, waxaana ay sheegtay inay go'aankaasi qaadatay ka dib markii ay ogaatay xaqiiqooyin badan.
Haweeneydaan Dhaktaradda ah oo da'deeda lagu sheegay 35 sano jir, kana howlgasha mid ka mid ah Isbitaalada magaalada caasimadda ah ee Riyaad, ayaa waxa ay shalay booqasho ku tagtay wasaaradda Dacwada iyo hanuuninta ee magaalada Riyaad.
Dhakhtaradda ayaa waxa ay halkaasi ka bilowday inay su'aalo badan weydiiso, waxaana laga shaafiyey dhammaan su'aalihii ay weydiisay, kuwaasoo isugu jiray arrimo caafimaad iyo xuquuqda diinta Islaamka u oggoshahay Haweenka.
Gabadhan Mareykanka u dhalatay ayaa waxa ay dooneysay inay wax ka ogaato diinta Islaamka, iyadoo markii hore waxyaabo qalad ah ka aaminsaneyd diinta Islaamka, waxaana ay shaaca ka qaaday inay si fiican ugu qanacday Islaamka, wax badanna ka baran doonto.
Dadka reer galbeedka u dhashay ayaa waxa ay baaritaanno badan ugu jiraan sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen diinta Islaamka, waxaana ay taasi dhacday markii warbaahinta reer galbeedka ay dacaayado badan ka faafiyeen diinta Islaamka, taasoo dad badan ku dhiirri gelisay inay wax ka ogaadaan Islaamka.

Buurtinletimes@gmail.com


Related Items


Leave a comment