Shabaab-ka Oo Madaafiic Ku Weeraray Garbahaareey

Sunday August 28, 2011 - 12:48:00
0 Comments
1128
Super Admin
Ciidamadda Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa Xalay Madaafiic ku Garaacay Degmadda Garbahaareey ee Gobalka Gedo,Sidda ay innoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Dadka Degaanka.

Saraakiisha Dowladda iyo Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugan Garbahaareey ayaa sheegay in Al-Shabaab-ku ay si filaynimo leh 17-Madfac Xalay ugu soo tuureen Degmadaasi.

Xarakadda Al-Shabaab oo horay xilliga Habaynkiiya Madaafiic ku Garaaci jirtay Degmadda Luuq ee Gobalka Gedo ayaa Xalay Weerartay Garbahaareey.

Degaanadda Gobalka Gedo waxaa Gacanta ku kala haya Al-Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda KMG ah oo Kaashanaya kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Ugu dambeyntii Weerarkii Xalay ayaa wel weli ku abuuray Dadka ku Nool Degmadaas iyo Degaanadda ku Gedaaman,waxaana Bur-bur Xoogan oo soo gaaray Dhismayaal.

buurtinletimes@gmail.com




Related Items


Leave a comment