Hal Ruux Oo Geeriyooday kadib Hoobiye lagu Weeraray Xafada Bondheere Muqdisho

Wednesday December 27, 2023 - 18:30:24
0 Comments
58
ahmed raajaa
MUQDISHO
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiye Saakadii hore ku dhacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Guri ku yaalla Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa saaka Aroortii hore ku fariistay Hoobiye, kaas oo uu ka dhashay khasaare dhimasho leh oo soo gaaray dad shacabka ah.

Hal ruux oo Hawenay ah ayaa ku geeriyootay, waxaana Hoobiyaha uu haleelay reerkaasi Xili hore, waxaana burbur uu soo gaaray guriga.

Wax war ah weli kama soo saarin Ciidamada ammaanka ee Gobolka Banaadir.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment