Galkacyo; Dagaal Saakay Mar kale ka qarxay ;

Friday September 02, 2011 - 12:19:10
0 Comments
850
Super Admin
Waxaa saaka markale dib uga bilawday magaalada Gaalkacyo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada amaanka iyo maleeshiyaad deegaanka oo ka horjeeda.

Iska horImaadkaanoo galay maalintii labaad ayaa waxaa uu ka socdaa xaafada Garsoor ee waqooyiga magaalada halkaasoo illaa shalay ay ku dagaalamayeen ciidamada booliska Puntland iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ka hor yimid hawlgalo ciidamada ay ka wadeen xaafadaasi.

Wararka saaka na soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaalkabn saaka qarxay uu ka dambeeyey ka dib gurmad ciidan oo xalay soo kala gaaray labada dhinac iyadoo saaka markii uu waagu baryey la isku bilaabay madaafiicda culus. Waxaana wararku sheegayaan in hoobiyaal ay ku dheceen xaafado ka tirsan magaalada.

Weli macaddakhasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo dagaalka saaka dib uyga qarxay gudaha magaalada waxaase jira tiro dhaawacyo dad rayid ah oo saaka la gaarsiiyey isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in weli maqlayo rasaasta qoryaha fudud iyo madaafiic hoobiyaal ah oo ay labada dhinac isku ridayaan. Waxaana la soo sheegayaa in dadka rayidka ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafadaha ku teedsan halka uu dagaalku ka socdo.

Wixii war ah kala soco Xarunta wararka

Burtinletimes.com

Buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment