War degdeg ah shirkii wada tashiga oo furmay uuna furay R/ Wasaraha

Sunday September 04, 2011 - 15:43:05
0 Comments
1163
Super Admin
Shirka wada tashiga Arrimaha Soomaaliya ayaa abaarihii 3-da Galabnimo Xilliga Muqdisho ka furmay xarunta golaha shacabka, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha iyo Maamulada dalka iyo ergooyin kala duwan.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa shirka furay, isagoo ka hadlay ajandahah shirka, sidoo kale waxaa uu ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa hada hadlaya oo khudbad dheer oo ku saabsan muhiimada shirkan jeedinayay, isagoo si gaar ah diirada ku saaraya xaalada dalka.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Xubno ka socda Beesha Caalamka, qaar ka mid ah safiirada dalalka deriska.

Ergeyga Qaramada Midoobey Agoustin Mahiga iyo Mark Bowden ayaa shirka iyana ku sugan, inakstoo aanay wali ka hadlin.

Shirka oo khudbadooyin laga jeedinayo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa ahmiyada shirka uu u leeyahay aayaha dalka iyo sida looga bixi karo xilliga kala guurka.

Burtinletimes.com

Buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment