Midka Mida ah Saraakiisha Ururka al_shabaab oo ku tilmamay wariyaasha In ay ridoobeen!

Saturday September 10, 2011 - 18:54:49
0 Comments
957
Super Admin
Sheekh C/qaadi Muumin, oo qaar ka mid ah taageerayaasha Al-shabaab kula hadlyay deegaannada ay ka taliyaan ayaa sheegay in wararka ay baahiyaan warbaahinta Soomaaliya iyo kuwa calaamkuba ay yihiin kuwo been abuur ah ayna xaqiiqada beenin doonto.

"Idaacadaha waa la dhageystaan, balse wararka ay sheegayaan waa been," ayuu yiri Sheekh C/qaadir Muumin, isagoo si gaar ah u tilmaamay BBC-da, VOA-da iyo Raadiyo Muqdisho, wuxuuna sidoo kale sheegay in kuwa kale ee Muqdisho ku yaalla ay la mid yihiin.

"Wariyeyaashoodu waa kuwo riddo ah, qof dil ku xukumanna warkiisa lama dhageysto," ayuu hadalkiisa daba-dhigay isagoo sidoo kale sheegay in suxufiyiintu ay ka mid yihiin dadka oo ay riddoobi karaan.

Erayga riddo oo luuqadda carbiga ah ayaa waxaa loo adeegsadaa qofka markii uu diintiisa ka baxo, waxaana inta badan ay Xarakada Al-shabaab eraygan u adeegsadaan dadka ay u arkaan inay kasoo horjeedaan fikirkooda iyo mabda'a ay rumeysan yihiin.

Sidoo kale, Sheekh C/qaadir wuxuu ka hadlay dagaallada ka socda dalal ay ka mid tahay Soomaaliya isagoo sheegay inay yihiin dagaallo looga horjeedo gaalada oo la doonayo in lagu xoreeyo guud ahaan dunida oo ahaa goobo ay muslimiintu lahaayeen.

"Waxaa laga yaabaa maanta in laga qaxo goobo ay ka mid tahay Suuqa Xoolaha, balse waxaa loo baahan yahay in qof walba muslim ah uu ku fikiro sidii dib loogu qabsan lahaa dhulalka Islaamku ka talin jiray oo ay hadda gaaladu haystaan," ayuu yiri Sheekh C/qaadir.

Isagoo ka hadlaya dhalalka Islaamka horay uga talin jiray ee hadda ay gaaladu ka taliso ayuu sheegay inay ka mid yihiin Moscow iyo New Dalhi oo caasimado u kala ah dalalka Ruushka iyo Hindiya.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Shiinadu aysan ka mid ahayn Muslimiinta isagoo sheegay in nacaybka ay Mareykanka neceb yihiin uu la mid yahay nacaybka Kuubba ay neceb tahay Mareykanka.

Buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment