Beesha (Awrtable) oo baaq nabadeed ka soo saartay Dagaaladii Gaalkacyo + Sawiro

Tuesday September 13, 2011 - 00:57:41
3 Comments
2628
Super Admin
Taariikhdu Markay ahayd 09-09-2011 ayaa waxaa kulan balaaran isugu yimaadeen Isimada, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Culimada, Ganacsatada iyo Dhallinyarada ku abtirsada beesha Awrtable ee Yuusuf Daarood, kulankas ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Aayo Katalis oo asaga saldhig u ahaa qaban qaabada iyo agaasinka ergadii ka timid magalada burtinle ee uu hogaaminayay Suldanka beesha Suldan Maxamed Axmed Cabdille ayaa waxaa uu ka dhacay hotelka Classic ee magaalada Gaalkacyo.

Kulan weynahan ay isugu yimaadeen Isimada iyo Waxgaradka Beesha Awrtable ayaa waxaa ay ka soo saareen baaq nabadeed oo ay u jeedinayaan dhinacyada ku diriray magaalada Gaalkacyo

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Isimada iyo Waxgaradka Beesha Awrtable waxaana kulanka khadka telfoonka kaga soo qeybgalay Qurbajoogta beesha ee ku dhaqan wadamada reer galbeedka.

Suldaan Maxamed Axmed Cabdille oo ah Isinka beesha Awrtable ayaa kulanka ka hadlay wuxuuna ugu horeyn ka tacsiyeeyay dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo bilowgii bishan September, wuxuuna Alle caafimaad uga baryay intii waxyeeladu ka soo gaartey.

Suldaanku wuxuu sheegay in wakhtigii dagaalka uu dhamaaday haatanna loo baahan yahay in laga dheeraado wax kasta oo sababi kara colaad sokeeye iyo isku dhac hor leh, wuxuuna dadweynaha Gaalkacyo ka codsaday in ay nabada taageeraan oo ay raadiyaan.

Eng, Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dheere) oo ka mid ah Waxgaradka beesha Awrtable ee Yuusuf Daarood ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca beesha in uu aad uga xun yahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo isla markaana uu ka tacsiyeynayo dadkii ku geeriyooday dagaalka, wuxuuna intaa raaciyay in dagaal uusan faa’ido lahayn in dad ku baaba’aan ma ahane, wuxuuna codsaday in loo haggaansamo nabad ka shaqeynta iyo wada noolaanshaha.

Nabaddoon Axmed Muumin Cumar oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka beesha Awrtable ayaa ka mid ahaa Waxgaradkii ka hadlay kulanka, wuxuuna si weyn ugu nuux nuuxsaday dhibaatadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo, dhibaatadaasi oo uu sheegay in ay tahay mid damqinaysa inta samaha jecel ee walaalaha ah, wuxuuna Nabaddoon Axmed hadalkiisa ku daray in magaalada Gaalkacyo ay u yimaadeen in ay xaliyaan wixii dhibaato ahaa ee dhacay isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii markale aysan u dhici lahayn

Shirka ay yeesheen Isimada, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Culimada, Ganacsatada iyo Dhallinyarada ku abtirsada beesha Awrtable ee Yuusuf Daarood ayaa ahaa kulan aad u balaaran, waxaana kulanka hadalo qiima badan ka jeediyay Qurbajoogta beesha oo khadka telfoonka uga soo qeybgashay kulanka, kuwaasi oo sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadii Gaalkacyo ka dhacday bilowgii bishan, waxayna intaa raaciyeen in ay dhankooda ka wadaan xalinta dhibkii dhacay.







Abdullahi Ahmed Adan (Budhug)

Galkacyo, Puntland

Related Items

Comments


Leave a comment