Hay'adda African Daryeel oo ciyaaro ku qabatay Amsterdam.

Wednesday September 14, 2011 - 16:44:14
0 Comments
779
Super Admin
Ciyaaro kubada cagta oo ay ka qeybgalayeen kooxo somali ah iyo koox ka socotay jaaliyadda Morroko ee degan wadanka Holland ayaa lagu qabtay Magaallada Amsterdam,waxaana ciyaarahan soo abaabulay hay'adda African Daryeel ee wax ka qabata arimaha waxbarashada Somaliya iyo kulamada dhalinyarada somalida ee hollan ka dhaca.

Ciyaaraha ayaa inta aysan furmin kahor waxaa halkaasi hadalo dhiirigelinta dhalinyarada ah ka jeediyey Abdi Ali Xoosh oo ah Madaxa guud ee Hay'adda African Daryeel,isagoona sheegay inay ciyaarahan ugu talagaleen sidii ay u dhiirigelin lahaayeen dhalinta somaliyeed isla markaana ay ugu fududeyn lahaayeen tartamada ciyaaraha oo ay jecel yihiin. Waxaana ay Hay'adda Africa Daryeel la garabsatay Gameentiga Amsterdam iyo ururka Sold.
Ciyaarahan ayaa waxaa ku bilowdeen sadex waji,iyaddoo kooxaha isku soo reebreebayeen labada wareeg oo hore,halka ay isugu wareega sadexaad isugu soo baxeen koox ka socotay Somalida iyo koox kale oo ka socotay Jaaliyadda Marroko.
Ciyaarta kama danbeysta ah oo aheyd mid xiiso gaar ah laheyd ayaa waxaa soo buux-dhaafiyey garoonta dhamaan taageerayaasha labada kooxood,waxaana ay ku bilaabatay si dardar xoogan leh,iyaddoo ay sidoo kale ciyaartooyda labada kooxood muujiyeen ciyaar wanaag ay mid waliba ku dooneysay inay ku hanato koob-kan.
Ugu danbeyntii waxaa halkaasi koobkii ku hantay kooxdii ka socotay Jaaliyadda Marroko,waxaana ciyaartan ay noqoneysaa midii ugu horeysay oo ay soo qabanqaabiso Hay'adda African Daryeel,iyaddoo horey looga bartay hay'addan inay wax ka qabato arimaha waxbarashada iyo kor u qaadista aqoonta Somaliyeed.

Abdi Ismacil "

Holland.

Related Items


Leave a comment