Xukumada somalia oo caway soo saartay war saxaafadeed ku saabsan eed loo soo jeediyey

Wednesday September 21, 2011 - 00:53:50
0 Comments
893
Super Admin
Sida la wada og yahay waxay Amnesty International soo saaratay 2dii sebtember 2011 warsaxafadeed ku wajahan xeerka ku saabsan xalada degdeg ah ee uu madaxwaynaha Jamuhuuriyada Somaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Ahmed ka soo saaray Agaga ay baneeyeen Kooxda Al-Shabaab oo Calamku U aqoonsanayahay Argagixiso caalami ah Iyo waliba Xerooyinka ay ku jiraan dad ka soo barakacay ay soo bara kiciyeen Abaraha iyo dagalada ay Qayb ka tagay urur Al-Shabaab.

Waxay Sidoo kale si gaar ah uga hadashay Hawlgalada Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo si sharci ah waajibkeeda Qaranimo u Gudanayso.

Waxaa Dawladda soomaaliya waajib ku ah in ay ka difaacdomawaadiniinteeda falal ka baxsan xaquuqdooda ay xaqa u lee yihiin in ay ku noolaadaan nabad galyo buuxda.

Waxay amnesty International ogsoon tahay in ay Soomaaliya Qayb ka tahay xeerarka Caalamiga ah ee lagu daryeelo Xaquuqda ay dad ku lee yihiin,Waxayna isla markaas ogsoon tahay xalada adag ay Dad iyo dalkuba marayaan,taas oo la doonaayo in si wada jira Bulsha-waynta Caalamku iyo dawaladda Soomaaliyeed ay wax uga wada qabtaan,Waxaana fiicnaan lahayd in ay Amnesty international si xaqiiqo ah Runtu ku dheehan tahay Uga talo- bixiso arrimaha ka jira Soomaaliya .

Waxay Dawladda Soomaaliya Ku hawlan tahay wax-u-qabashada iyo dib-u-dajinta dadka soo barakacay iyo dadka doonaya in ay ku laabtaan guryahooda ay uga carareen amaan la aanta ka jirta Magaalo madaxda, taas oo salka ku haysa urur diimeedka Al-shabaab isla markaasna waxay ka hortagaysaa wax kasta oo ka hor imaankara ama ciidan ha ahaadee ama cid kale oo rayd ah.

Waxaa dalka ka jira sharciyo iyo qawaaniin u degsan Dawladda.Maxakamad kasta, gaarn ahaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxay wax u fulinaysaa Siduu sharcigu qabo in ay dhaqan galiyaan waajibaadka saaran goobaha ay kala wareegeen ururka Al-shabaab ama ciskasta oo hubaysan si lo bad baadiyo dadka raydka ah,Waxay Maxakamaddu ku dhisan tahaySharciga Qaranka .

Dawaladdu waxay markasta Ballanqaadaysaaiyada oo markasta tixgalinaysa Danaha Shacabkeeda in ay ka hortagto danbi kasta oo loo gaysto mawaadiniinteeeda.

Dawaladdu ayadaa Madawaadiniinteeda ugu wel wel badan cid kasta.

Wabilaahi Tawfiiq

Buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment