Xildhibaanadii qaran oo mantay Si diiran loogu soo dhawyey D/burtinle

Wednesday September 21, 2011 - 16:50:42
0 Comments
580
Super Admin
Xildhibaanadii qaranka oo maantay Si diiran loogu soo dhaweeyey D/burtinle

Wafdi Ka kooban xildhibaano ka socda dowlada federaalka oo maalmihii ugu danbeeyey ku sugnaa magaalada garoowe

Ayaa maanta si diiiran loogu soo dhaweeeyey magaalada burtinle, ayada oo dadkii soo ka mid ahaayeen maamulka dagmada

Isimo ardayda ururka aaya-katalis oo ka dhisan dagmada burtinle iyo ururka hooyooyinka iyada oo soo dhawaynta aan loo kala harin

Wafdigaan ka koobnaa xildhibaanada ayaaa waxaa ka mid ahaa

1 Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf

2:Xildhibaan Cabdirashid Maxamed ciro

3:Xildhibaan Cali ismaaciil cabdi giir

4:Xildhibaan Xasan abshir faarax

Iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan dowladda federaalka .

Wafdigaan ayaa waxaa loogu hortagey meel ka baxsan magaalada burtinle Buurta lagu magacaabo Karin-Qansax

Waxaa halkaas hadalo kooban ka jeediyey kuna hadley afka maamulka dagamada xoghayaha D/Hoose

Mudane Xaafid C/risaaq Calas .

cabdulaahi axmed aadan budug oo ku hadley afka dhalinta aaya-katalis ayaa sheegey in ay aad ugu faraxsanyhiin

Booqashada Xildhibaanada yimid dagmada asaga oo sheegey in ay fiicnaan lahayd in ay ku nagaadaan dagmada Burtinle .

Waxa halkaas hadalka ka qaatey Xildhibaan Cali ismaaciil cabdi giir asaga oo sheegey in ay ku dagdagsanyihiin Magaalada Gaalkacyo si ay u xoojiyaan

Waddahadalka ka socda magalada galkacyo isla markaasna ay ka raali galinayaan dagmada oo isku xilqaantey soo dhawayntooda diiranayd

Si kastaba ha ahaatee Soodhawaynta ayaa waxay u dhacdey sidii loogu talo galey markii danaba xildhibaanadu ay safarkoodii meeshii ka sii wadeen.

C/Laahi axmed (budug)

Xafiiska Burtinletimes Burtinle

BuurtinleTimes@Gmail.com

Related Items


Leave a comment