Qarax Ka Dhacay Muqdisho Ayna ku geeriyoodeen 50-Ruux Oo isgu Jira Shaqaalaha Dowlada Iyo Dad Rayid ah

Tuesday October 04, 2011 - 12:56:30
0 Comments
1130
Super Admin
Qarax xooggan oo ismiidaamin ah islamarkaana gaystay qasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

War goordhow Burtinle Times Ka Soo Gaaray Muqdisho ayaa waxa Ay sheegayaa in qarax xooggan oo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah Gar'ahaan Waaraad lala bartilmaameedsaday xarunta Harkaha iyo saamaha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay dagan yihiin Wasaarado badan oo ka tirsan Xukuumadda KMG Soomaaliya.

In ka badan 50-ruux ayaa waxa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen qaraxa Halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen kuwaasi Qaarkood Dhaawacyadooda ay halis yahay sida uu Sheegay mid ka mid ah Shaqaalaha Dowladda KMG Soomaaliya oo halkaasi ku Sugnaa kaasi oo sheegay In Qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dowladda KMG oo halkaasi gaaray ayaa hakad galiyay isku Socodka Dadka iyo gaadiidka ee isticmaala inta u dhaxeysa Isgosyada KM4 iyo Zoobe ee magaalada Muqdisho oo Ah goobta uu qaraxa ka dhacay Mana Jiraan Cid Loo soo Qab Qabtay Qaraxaas lal Eegtay Xarunta Hargaha Iyo saamaha .

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegtay qaraxaani Qasaaraha badan Dhaliyay iyo wax war ah oo kasoo baxay Dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada Amisom.

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment