WAR DEG DEG AH:-Banaan Baxa Looga Soo Horjeedo Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho;

Sunday October 09, 2011 - 13:24:20
0 Comments
1091
Super Admin
Banaan bax Ballaaran ayaa Markaan ka soconyaa Magalada muqdisho kaas oo ay isugu soo baxeen dhammaan dadka reer Muqdisho ayadoo ay dadkaasi muujinayeen Shacuurtooda ku aadan sida ay uga xun yihiin Xasuuqii loo gaystay dhawaan dadka Soomaaliyeed.

Banaan baxaan oo ay isugu soo baxeen kummannaan dadka Soomaaliyeed ee dagan Gobolka Banaadir ayaa wax uu ka socanayaa Stadia Koonis ee degmada Cabdicasiis waxaana banaan baxaas loogu magac daray maalinta Shacuurta umadda Soomaaliyeed kaddib xasuuqii dhawaan loo gaystay dadka Shacabka iyo ardayda Soomaaliyeed kaas ay Sheegatay in ay masuul ka ahayd Ururka Al-Shabaab Mujaahidiin.Isu soo baxaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta gobolka Kab dagmada iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska.Dadka banaan baxa ka qayb qadanaayey ayaa waxay ku qaylinayeen erayo maxaan galabsanay maxaa naloo xasuuqay iyo wax yalo kalee o dadka dareen kooda kor u qadaayey

Abdullahi Cali Farax.

Buurtinletimes Muqdisho

Related Items


Leave a comment