NIn Meeyd Ah oo Laga Helay Aga Gaarka Qabuuraha Cirjiife Duleedka Gaalkacyo

Saturday October 15, 2011 - 14:04:52
0 Comments
1018
Super Admin
Nin Meeyd ah ayaa Waxaa Saaka Aroortii Lagu Arkay Duleedka Magaalda Gaar'ahaan Dhinaca Qabuuraha Cirjiife, Ruuxaan Ayaan La ,Aqoonin Heebtiisa Laakiin Dadka Xaafadaas ka Ag dhow ayaa Xaqiijiyay in Dhaawac ka muuqdo Jirkiisa Meeydkaan.

Wararka Qaar ayaa Waxaa Ay Sheegayaan in Ninkaan Meeydka ah iyo Nin kale Ciyaarayeen Turub Laguna Heshiin Waayay Turubkaasi Midaana Ay Keentay In Ladagaalamo,Intaas Waxaa ay ku Dareen Goob joogayaasha fiidkii oo Dhan in Ay isceer-ceersanayeen Labaduba Ka soo Wada jeedaan Foonfurta Soomaaliya.

Dilalka Ceeynkaan oo Kale Ayaanan ku Cusbeeyn Gaalkacyo inta Badana Waxaa ka dhaca Dilal Kala Duwan oo Qaarkood Yihiin kuwo Qorsheeysan Islammarkaana Cida Geeysaneysana Aan La'aqoon ayaa ka Dhaca Magaalada Gaalkacyo.

Isku Soo Duuduub Xaalada Guud Ee Gaalkacyo Ayaa Waxaa Ay tahay Mid Degan,Gebi,ahaanba Waana La Xaliyay Xurguftii iyo Colaadii u Dhexeeysay Beesha Leelkase iyo Dowlada Puntland Kana Taagneeyd Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.

Axmed Khadar Max'ed Cumar

Burtinletimes.com

Gaalkacyo

Puntland,Somaaliya



Related Items


Leave a comment