Cabduqaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn”Wasiirka Warfaafinta Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socday Maamulka Galmudug’

Sunday October 16, 2011 - 15:46:12
0 Comments
1000
Super Admin
Boostada iyo isgaarsiinta ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday maamulka goboleedka Galmudug. Kulankan uu mudane Cabduqaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” la qaatay Wassiirro ka socday maamul gobaleedka galmudug ayaa waxaa looga hadlayay Arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay xiriirka u dahxeeya maamul gobaleedka galmudug iyo dowladda.

Mas’uuliyiinta uu qaabilay wasiirka ayaa waxa ay kala ahaayeen wasiirka wasarada arimaha gudaha maamulka galmudug wasiirka macdanta iyo biyaha Maamulkaasi iyo wasiirka warfaafinta maamul goboleedka galmudug kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayay iskaashiga wasaaradaha maamulka galmudug iyo iyo kuwa dowladda sida uu warbaahinta qaranka u sheegay wasiirka warfaafinta boostada iyo Isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn,

Kulankan ayaa imaanya xilli ay dowlada Somaliya waddo qorshe ay ku dooneyso sidii ay maamul goboledyada uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda amaanka guud ee dalka gaar ahaan gobalada ay gacanta ku hayaan maamul gobaleedyadaasi

burtinletimes.com

xigasho muqdisho radio

.

Related Items


Leave a comment