Nin Lagu Eedeyay in uu Dilay Dad Kana tirsanaa Al-shabaab oo Lagu Xukumay Dil Magaalada Garoowe

Tuesday October 18, 2011 - 09:42:07
0 Comments
884
Super Admin
Nin Lagu Eedeyay in uu Dilay Dad Kana tirsanaa Al-shabaab oo Lagu Xukumay Dil Magaalada Garoowe

Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa Shalay waxa ay xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay Xarakada Al Shabaab.

Eedeysanahaani oo lagu magacaabo C/laahi Cabdi Iimaan ayaa lasoo taagay Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal, iyadoo lagu eedeeyay in uu falal dil ah ka maleegayay gobolka Mudug,arintaan ayaa waxaa soo Dhaweeyay Dadka Ku Dhaqan Garoowe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal Max’ed Xasan Cismaan oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu ka dhacayay xukunka dilka ah ayaa sheegay in eedeysanahaasi uu Maxkamadda ka hor qirtay in uu la shaqaynayay Xarakada Al Shabaab islamarkaana uu ka mid ahaa dad la qorsheeyay inay dil ka gaystaan Deegaanada gobolka Mudug, Isagoona Qirtay In uu Dilay Dad Badan uu Ka mid Yahay Denbibaarihii G/mudugiyo Rag kale.

Arrintaani ayaa waxa ay kusoo aadaysaa Xili mudooyinkii dambe deegaanada Puntland ay ka dhacayeen Falal amaan dari ah islamarkaana Ciidamada amaanka ee Puntland ay howlgallo kusoo qab qabteen dad lagu eedeeyay inay falal liddi ku ah amaanka ay ka wadeen deegaanada Puntland.

Xafiiska Warqabadka

Burtinletimes.com

Garoowe,puntland

Related Items


Leave a comment