Wafdi Ka Socda Kenya OO soo Gaaray Muqdisho;

Tuesday October 18, 2011 - 15:16:12
0 Comments
818
Super Admin
Wararka naga soo garaya magalada Muqdisho ee Casimada Somaliya ayaa tibaxaaya in Magalaaasi ay manta so gareen Wafdi Balaraan oo ka socda Wadanka Kenya.

Wasiirrada Muqdisho gaaray oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Mosas Watangula iyo wasiirka gaashaandhigga ee isla dalkasi Yuusuf Xaaji ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magalada Muqdisho Waxaana soo dhaweeyeen ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Wafula Wamunyinyi.

Wafdiga ka socda Wadanka Kenya aya waxaa uu jogi doona Magalada Muqdisho Mudo Sacaado ah Waxaa una kulamo la yelan doona Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh.Axmed iyo R/Wasaaraha Somalia Cabdiweli Gaas.

Imanshaha Wafdigaan ayaa ku soo aday Xili Ciidamada Wadanka Kenya ku suganyihiin Magaloyinka badaan oo Somalia ah sida Dhobleey Qooqani Afmadoow Diif Ceelwaaq iyo Deegano kale oo badan.

burtinletimes.com

x.kismaayo24

Related Items


Leave a comment