DIMOQARAADIYADA ISLAAMKA.

Thursday December 01, 2011 - 22:30:15
0 Comments
6052
Super Admin
Dadka dhahay dimoqaraadiyadda Islaamka ayaan ku dhaqmaynaa wax aayad ah iyo xadiis midna uma haystaan. Waxaan markii ugu horraysay ka maqlay mas’uuoliyiinta ummadda reer Puntland in ay samaysteen diin cuusb oo la dhaho dimoqaraadiyada Islaamka ama slamic democracy oo 41 qodob ay ka soo qaateen diinta Islaamka inta kalena ay soo qaateen dimoqaraadiyada, waana hubaa dimoqaraadiyad Islaam in ay tahay wax aan jirin, laakiin lagu raalli gelinayo gaalada doonaysa in ay si doqoni ma garato ah idiinka fogeeyaan diintiinna idiinna geliyaan diintooda. Marka aan lee yahay diin cusub waxaan uga jeedaa sida ku cad aayadda kariimka ah ee tirsigeedu yahay 76 ee An-Nisaa diintu waa dastuurka ay ummadi ka dhaqan qaadato.

Gaaladu way og yihiin in aan ruux islaam ah toos diinta uga bax loo dhihi karin, laakiin waxay og yihiin in ay diintu tahay dhaqan markaas ayay ku tashadeen in ay dadka islaamka ku dhex baahiyaan dhaqamadooda.

Innaga oo shareecada ku dhaqanna ayay gaalo gumaysi doon ahi noo timid markaas ayaynu hoosta soo gashanay iyada oo loogu xishay dhaqaale, markaas ayay ku guulaysteen in ay na baraan diintooda iyo dhaqankooda ayna laaleen diinteennii soo jireenka ahayd. Waxaynu ka yeelnay in aynu iyaga caabudno oo ay na xukumaan iyada oo Alle naga reebay in aynu cid kale oo aan isaga ahayn caabudno kana xukun qaadnno. Meeshaas ayay gaalnimadu nagala kawsatay maantana dhiigeenna iyo dhuuxeenna ayay ka mid noqotay waa taas ay dad islaam sheeganayaa ay af buuxa ku dheheen 41 qodob ayaanu ka qaadanay diinta Alle inta kalena diinta gaalada. Iyaga oo isku deyaya in isla mar wada raalli geliyaan Alle iyo gaalada, maxayse ka raalli gelinayaan oo ay u haysaa gaaladu.

Qofkii dhaqankoodii qaatay ee ay wax soo bareen ayay siiyeen dhaqaale fara badan, magac, maskab, baabuur, guri iyo sharaf badan oo kale. Markaas ayaa qof waliba ka daba raxleeyey Alle iyo diintiina la nacay dhaqankii iyo diintii gaaladana la jeclaaday. Waxaadna maanta u jeediin maamul goboleedyada oo gaalada ka wada nashalaynaya ama u wada naagaynaya iyaga oo ka doonaya dhaqaale iyada oo uu Alle noo sheegay in uu isagu kadabka bixiyo ciddii uu doonana ugu roonaado ciddii uu doonana ku ciriiriyo. Marka sow ma garan kartiin in deeqdii Alle aynu cid aan isaga ahayn u dabo taaggan nahay.

Waxaa horay u dhacday in reer Puntland ay dad Somaliyeed oo muslimiin ah ay u qabteen dawladda Itoobiya una gacan geliyeen iyada oo Alle naga reebay in aynu is jaajuusno cadawga Islaamkan isu gacan gelinno, waxaas oo dhanna waxaa loo samaynayaa in ay ka helaan dhaqaale iyo taageero ama hiilo, taageeradii iyo hiiladii Allena ma aaminsani tan gaalada ayaa uga dhow. Ma soo wada tirin karo dhaqanka xun ee gaalnimada ah ee aynu ka dhaxalnay gumaysigii iyo abaansashadii gaalada, hase yeeshee waa kuwa Alle aad uga cadhaysiin kara. Waxaa la hubaa in gaalku uu Somaliya meel kasta si xor ah ku marayo laakiin shiikha caalimka ah horay laga xidhayo loona dhiibayo gaalada ugaadhsanaysa dadka diinta u leh aqoonta sare kuna tilmaamay in ay yihiin xag jir, xag jirna sunnada Alle iyo midda rasuulka midna kama mid aha.

Reer Puntland dimoqaraadiyada Islaamka waxay ku raalli gelinayaan gaalada waayo marba haddii aad qaadato afkaarta diintoodu aaminsan tahay waad qaadatay diintoodii. sidaas darteed waxaan dadka muslimiinta ah ee reer Puntland uga digayaa in dadka ay madaxda ka dhigteen noqonin kuwo diinta ka saara. Gaalada idinku soo yaacday ee ay idinla tahay in ay gobolka iyo qabiilka beenta ah ee aad sheegtaan ay idin barwaaqaynayaan oo idin siinayaan magac, sharaf iyo hanti waxaan doonayaa in aan idin xasuusiyo aayaddan Quraanka oo Alle cw noogu sheegayo in ruux cid aan isaga ahayn wax mooday ama ka doonay uu la mid yahay ruux harraad la taqarin oo biyo ceel sal fog ku jira gacmaha u hoorsaday sidii ay biyo gacmihiisa ku soo boodayaan uuna u cabbayo oo kale, taasina wax dhici kara ma aha oo waxay qilaafsan tahay sunnada Alle. Aayddiina waa tan.


لَهُ دَعْوَةُ الْحَقِّ وَالَّذِينَ يَدْعُونَ مِنْ دُونِهِ لَا يَسْتَجِيبُونَ لَهُمْ بِشَيْءٍ إِلَّا كَبَاسِطِ كَفَّيْهِ إِلَى الْمَاءِ لِيَبْلُغَ فَاهُ وَمَا هُوَ بِبَالِغِهِ وَمَا دُعَاءُ الْكَافِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَالٍ(الرعد 14).


Marka waxaan reer Puntland iyo maamulada kale oo dhan lee yahay gaaladu ma kaydka naxariista Alle ayay iyagu lee yihiin oo bixiyaan. “أَمْ عِنْدَهُمْ خَزَائِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ الْعَزِيزِ الْوَهَّابِ(ص 9). “. Waa taas oo aad aragtaan in ruuxii afka kala qaadaaba lee yahay beesha caalamku ha na soo gaadho meeshii ay ka dhihi lahaayeen Ilaahaw gargaarkaaga nala soo gaadh.

Waxaan kale oo doonayaa in aan walaalahayga reer Puntland in aan u macneeyo aayaddan kale oo laga yaabo in hal dhinac culumadu ka eegtay aniguse aan dhinacyo badan ka eegay.


الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ وَبِمَا أَنْفَقُوا مِنْ أَمْوَالِهِمْ فَالصَّالِحَاتُ قَانِتَاتٌ حَافِظَاتٌ لِلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ اللَّهُ وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا(النساء 34).

In kasta oo ay aayaddan loo yaqaan in ay ka hadlayso madaxnimada raggu u yahay haweenka haddana qaybta hore waxay ka hadlaysaa in raggu haweenka ku xukumo sida abuur ahaan Alle ugu kala talo galay iyo in uu xoolihiisa wax ka siiyo, qaybta dambena waxay ka hadlaysaa in ay haweenadu ka dambayso oo ay ogolaato madaxnimada ninkeeda iyo in haddii ay edeb darro ku gacdo in uu ninku xaq u lee yahay in uu anshax celin ku sameeyo. Marka haddii ay gaaladu wax ku siiso wax kalena ka rabtid waa in ay ku xukuntaa mana diidi kartid.

Marka waxaad mar kasta maqlaysaa mas’uul ku sheeg Somali ah oo leh beesha caalamku ha na soo gaadho, weligay hadal ka xun dhegahaygu ma maqal in wax aan Alle ahayn la baryo Allena si cad noogu sheegay in isaga mooyee aanay bannaanayn in cid kale la baryo.

Waxaan eed kulul u soo jeedinayaa culumada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waayo iyaga ayay tahay in ay madax ku sheegta beenta ah ka joojiyaan abbaansashada gaalada iyo gaalaynta sida doqoni ma garatada ah dadka la rabo in loo gaaleeyo.

Maamulada u adeega gaalada ee argagixiso la dagaalanka ah ee ka midka yihiin Reer Puntland, reer Somaliland iyo kuwa koonfurtu waa in ay Alle u soo laabtaan oo toobad keenaan dadkana ka joojiyaan in ay baadiyeeyaan.

Dadka Soomaaliyeedna waxaan xasuusinayaa aayadaha Alle nagula hadlayo ee ay ka midka tahay middan hoos ku min guursani.

قُلْ يَاأَهْلَ الْكِتَابِ لَا تَغْلُوا فِي دِينِكُمْ غَيْرَ الْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعُوا أَهْوَاءَ قَوْمٍ قَدْ ضَلُّوا مِنْ قَبْلُ وَأَضَلُّوا كَثِيرًا وَضَلُّوا عَنْ سَوَاءِ السَّبِيلِ(المائدة 77).

Aayadda oo la hadlaysa kitaableyda waxaan kula hadlayaa Somalida aanna ku lee yahay sida aayadda ku cad wax aan diintiinna ka mid ahayn ha ku kicina hana yeelina kuwa hortiin tubtii toosnayd ka lumay in badan oo kalena lumiyey idinkana doonaya ay idin lumiyaan hawadooda beenta ah. Waxaana idin kula talinayaa in aad ka noqotaan diinta ay ka kala qaateen shareecada iyo dimoqaraadiyada ayna qaataan diinta Alle oo keliya, diintuna waa dastuurka ay ummadi ku dhaqanto.

Waxaan waanadayda iyo talo soo jeedintayda ku soo koobayaa aayaddan waana in aan diinta wax aan ka mid ahayn lagu dhex qaldin gaaladana laga yeelin.


وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّى لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ كُلُّهُ لِلَّهِ فَإِنِ انْتَهَوْا فَإِنَّ اللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ بَصِيرٌ(الأنفال 39).


G/le Sare Omer Suleiman Ali1/12/11

Related Items


Leave a comment