Nin hubeysan oo ku labisanaa Dareeska ciidamada Milatariga dowladda KMG soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku toogtay Wariye ka tirsanaa Tv-ga Horn Cablexafiiskiisa Muqdisho.
Allaha u naxaarsiitee galinkii dambe ee maanta ayaa nin ku labisan Direeska ciidamada Milatariga dowladda KMG Soomaaliya waxaa la sheegay in uu ku toogtay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho C/salaan Sheekh Xasan (Xiis) oo ahaa Wariye ka tirsanaa Tv-ga Horn Cable xili uu kusii jeeday Xarunta Muqdisho uu ku leeyahay Tv-gaasi.
Yaxye Cali Max’ed oo ka mid ah Horn Cable Camira Manada Tv-gaasAyaa u xaqiijiyay Warbaahinta waxaana uu sheegay in ilaa hada aysan cadeen sababta ka dambeysa dilka Wariyaha balse waxa uu sheegay in xabada looga dhuftay Madaxa kadibna uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo uu sheegay in dhawac ahaan ay u geeyeen.
Mar uu ka hadlayey Kaamirmaan Yaxye Cali Max’ed dabeecada uu lahaa Allaha u naxaarsiitee C/salaan Xiis ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa nin wanaagsan oo dabeecad leh, sheeko badan, shaqo badan islamarkaana si wanaagsan ula shaqeyn jiray bahda Warbaahinta.
C/salaan Sheekh Xasan (Xiis) ayaa waxaa uu ka mid ahaa Wariyaasha ugu caansan magaalada Muqdisho, isagoo kasoo shaqeeyay ka hor Tv-ga Horn CableIdaacado kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho Maanta Gelinkii danbe Ayuu ku Geeriyooday Isbitaalka Madiino Ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Warqabadka
Burtinletimes.com
Muqdisho,somaaliya
Leave a comment