Madax-weynaha Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Sh Axmed Iyo Madax-weynah Soomaaliland Siilaanyo oo kulmay.

Friday June 29, 2012 - 07:16:29
0 Comments
1003
Super Admin
Madaxayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa kulankii u horeyay fool ka fool ah ku yeeshay Magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay uga qeyb galayaan shir looga hadlayo la dagaalanka Burcad badeeda.
Labada Madaxweyne ayaa isku gacan qaaday Xaflad ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta.

Kulankan oo ahaa mid koobnaa ayaa ahaa mid daba socday wada hadaladii ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Shariif oo ku hadlay afka Carabiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka, iyo Midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan Soomaaliya la dagaalanka Burcad badeedka iyo argagixisada, isagoo sheegay inay lama taabtaan tahay gooni isu taaga.

Waxaa lagu wadaa inay yeeshaan caawa kulan casho sharaf ah, iyadoo wariyeyaasha ay sawiro ka qaateen gacan qaadka Labada Madaxweyne.

Kulan kale ayaa la filayaa in si gaar ah ay maalinta berri u yeeshaan labada Madaxweyne, iyadoo kulanka koobnaa ee is araga labada Mas'uul oo ahaa xilligii nasashada ee shirka arrimaha burcad badeedka wehlinayay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Xubno ka tirsan Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Wada hadaladii dhowaan ka dhacay Magaalada London oo laga soo saaray qodobo dhowr ah ayaa dhigayay in labada Madaxweyne ay sida ugu dhaqsiyaha badan isu arkaan, isla markaana horay u sii ambaqaadaan wada hadalada.

Related Items


Leave a comment