Howl gal ka dhacay Muqdisho ayaa lagu soo qabqabtay in ka badan 3.000

Thursday July 05, 2012 - 20:06:43
0 Comments
1069
Super Admin

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga sameeyay Howlgalkii ugu balaarnaa oo lagu soo qabqabtay dadweyn badan kuwaasi oo lala xariirinayo in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa samaynayay ciidamada dowlada Soomaaliya waxaana laga sameeyay inta badan degmooyinka gobalka Banaadir iyadoona ciidamadana ay galayeen guryaha qaar.

Gen. Cali Caraale Cosoble Gacmadulle oo la hadlay warbaahinta isla markaana ka warbixiyay howlgalkaan ayaa wuxuu sheegay in dadka la qabtay ay gaarayaan ilaa iyo Sadax Kun oo Qof (3,000), kuwaas oo laga soo kala qabtay xaafado badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay dadkaan la qab qabtay oo u badan dhalinyaro in ka badan 200-oo ka mid ah in lagu cadeeyay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-Shabaab isla markaana inta kale ay baaritaano ku socdaan.

Xaafadaha maanta dadkaan laga soo qabtay ayaa waxay ka tirsanyihiin degmooyinka Dayniile, Warta Nabada, Hilwaa Degmada Yaaqshiid, iyo degmooyin kale.

Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jiray wadaado ka tirsan culamada Tabliiqa kuwaas oo markii danbe la sii daayay markii ay la kulmeen wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dadkaan baaritaano lagu samaynayo isla markaana cidii danbi lagu waayaa ladayn doono.



Related Items


Leave a comment