War Deg-Deg ah:-Qarax Xoogan oo laga maqlay agagaarka Xarunta Iskool Buliisiya

Friday July 27, 2012 - 22:44:23
0 Comments
926
Super Admin
Wararka ay Wakaalada SONNA ka halayso goobta uu ka socoda shirka ansixinta dastuurka Qabyo Qoraalka Soomaaliya ayaa sheegayaa in goordhow uu Qarax Xoogan ka dhacay agagaarka Xarunta Iskool Buluusiyo.

Qaraxan ayaa ka dhacay Xaafada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab iyadoona halkaasi ay tahay difaaca koowaad ee Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya ilaalada kahaya Xarunta uu Shirku kasoconayo.

Qaraxa ayana warar kala duwan kasoo baxayaan iyadoona Wararka qaar sheegayaan in uu ahaa Miino kahoos qaraxday gaari Nuuca Noah loo yaqaan oo goobtaasi yaalay kaa ay lahaayeen Dad Shacab ah sida dad goob joogayaal ah kuwarameen.

Wali si rasmi ah looma oga Qasaaraha ka dhashnay Qarxaasi goordhaw ka dhacay agaagaaka Xarunta uu kasocdo Shirka Ansixinta Dsatuurka Soomaaliyeed ,walina lama soo sheegin in uu Shirku saameyn ku yeeshay qaraxaasi.

Related Items


Leave a comment