Maad Siyaasadeed : Musharraxa Eberland ama Sufur State iyo waxqabadkiisa hadii la doorto

Friday July 27, 2012 - 22:51:25
0 Comments
4805
Super Admin
Musharaxa Eberland ama Sufur State iyo waxqabadkiisa hadii la doorto:
1-Kumeel gaarka hadii laga boxo dalka waan gadayaa oo danihiinaan goobaynayaa.

2-Aniga iyo gedisleeyda ila jirta waxaa naga go’an inaan buuxino bangi xisaabeedka (Bank accont) nooga furan dalka iyo dibadda.

3-Hadii aad i doorataan waxaan idiin balan qaadayaa inaan isu soo dhoweeyo danaheyga iyo dilkiina, dheregteeyda iyo baahidiina, horumarkayga iyo haahaabkiina.

4-Waxaan xafladda xuska gambood haayaa ee Melez Zenawi ku qaban doonaa gobollada dalka guud ahaan gaar ahaan madaxtooyada hadii uu dhintana xuskiisa.

5-Hadii la i doorto doqonimo iyo wax cunid la’aan igu xaman maysaan oo waa ogtihiin inaan halaq ahay. (Sacab iyo mashxarad ululululu)

6-Waxaan wax kasta ka hor marin doona danteeyda gaarka ah Ileen idin siri maayoo waanigii ku dhaartay dhaartii caanka ahayd ee dhan walba u fasirmaysay (Waxaan ku dhaaranayaa inaan danta guud ka hormariyo tan gaarka ah).

7-Hadii aad i doorataan waxaan sidii soo jirteyba waxaan geed walba u fariisan doonaa inaan dalku dhibka ka bixin ilaa aan anigu faqriga ka baxayo.

8-Waxaan si shuruud la’aan ah u booqan doonaa dalalka caalamka gaar ahaan kuwa deriska oo aan kala qaybgeli doono xaflad kasta oo ay qabaan xitaa kuwa ay caruurtooda ku gudayaan (Hadiiba ay gudaan).

9-Waxaan woxoogaa qar leexis ah u sameeyn doonaa qaraabada ii dhow gaar ahaan ilma adeeradeey si aanan u noqonin doqon aan dadkiisa u eexan karin.

10-Waxaan wax badan ka qaban doonaa dhanka musuqa anigoo baabi’in doona dadka xisaabtan iyo suququlka nagu bilaabay si aan waxba la isu waydiin.

11-Waxaan dalka ka ilaalin doonaa dadka xun xun ee aan waxba cuni karin ee wadaniyiinta iyo aqoonyahanka isku sheegaya si howshu aysan u dhantaalmin.

12-Hadii la doorto dadku biyo way ka dhergi doonaa oo dudumaha ayaan bari doonaa sida biyo looga helo….Sida naloo sheegay aboorkuba wuxuu dudumaha ku dhisaa biyo la sheegay inay hoos ceegaagaan dudumaha.

12-Hadii la i diido waxaan ku dadaali doonaa inaan jabhadeeyn cusub bilaabo adinkoo og inaan ahay ma xishoode aan cidna u turin.

13-Hadii aad i doorataan waad i eedi doontaan ee fadlan i doorta.

Halku dhega ololahayga: ‘Inagoo isku DUUBAN dalka waan isla gadi karnaa hadii ay socon waydana waan isla gubi karnaa”.

”Together we can sell our country or else we can destroy it all”.

‘Tafaraaruq, cadaalad darro, is maqiiq, xil doon, qayrul mas’uulnimo, khilaaf, daneeysi, oowrkacsi, dastuur copy ah iyo maxaa iga galay…..SOMALIA ha noolaato.

(Dadkii dhegeysanayay oo aan fahmin ama aan rabin inay fahmaan ayaa HA NOOLAATO uga jiibiyay)
.


BY: Musharaxa Eberland ”Dal waliba dadkiisaa dumiya”.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto: Maxaaji@hotmail.com
Nairobi, kenya

Related Items


Leave a comment