Looge laguu minan fadhiyee: (Doorta Jawaari kale) by: Maxamuud Musse Cali Caarre

Wednesday September 05, 2012 - 23:49:27
1 Comments
5050
Super Admin
idii, dabayaaqadii Bishii Agoosto 2012, loo xaqiijiyey Guddoomiye Barlammaan u doorashadii Professor Maxamed Cisman Jawari; miidaanka Soomaaliyeed waxa hadheeyey riyaaq iyo rayrayn; su’aalo iyo is-toyasho iyo dood iyo falan-qayn ku saabsan dhacdo munaasabadeeddii (28/08/2012) lagu cubtamay Guddoonka Barlammaanka Qaran. Arrintu waxa ay Soomaalida guud ahaan ugu aaddanayd ahmiyad ma-dhaafaan ah; natiijadii guddoonna waxa ay u noqodtay mid ku diirsi leh oo soo-doogid, shush-baxid iyo shar guurideed…

Haddaba, nuxur ahaan, qiimaynta arrimeed waxa ay ka marag-furaysaa, bulsho-weyn ahaan in Golaha barlammaanka Cusub laga aqbalay, laga guddoomey, laguna bogaadiyey codsiintoodii Jawaari. Iyada oo doorashada Prof Jawaari guud ahaan loo nisbeeyey guul taariikhi ah, isla markaasna la soo dhoweeyey oo “kadabaa” la yiri “sidii roob-diraac kulul u da’ay beel uu jiilaal adagi ku dabo dheeraaday”…

Kolkaas, jawaab-celinnadii bulsho ee dhacdo waxa u shacbiyad ballaadhnaa kii marxabbayneed ee rayrayn iyo riyaaq oo ka soo doogtey farxad filanwaa’ ahayd oo hal mar uun miyi ilaa magaalo, dibad ilaa gudo, lala oogsamey bulxan, muuso, tahniyad iyo bishaaro isula horrasho iyo bil-dhayr isku qaabbilid xalladaysan oo isugu biyo shubtay filasho naallood shacbi, u hanbalyayn iyo bogaadin la doorte, u-ducayn doorte iyo u xamdi-naq Eebbe oo ummadeed.

War daleelo ma hurdee, doocu si xawli badan oo xamaasadaysan ayuu maqshir iyo maqrib ka duulay oo sidii seer-ma-weydo galgaal baxay, inta udub-Soomaaliyeed jiro iyo inta uun Soomaaliyeed hoydoba ka hillaacay; waxa uu marba marka danbaysa, sidii galangal fiid-caarre, soo yalgay alalaas, bullasho iyo falax-gooddi ka soo yeelan ifa-faale yididiilo ugan, beer-qabowsi uraad hibaaq leh iyo boogo-dhasho taabsin ah (geel af dhowaa) …. Niyaayiroodka Eebbow ha nuqsaamin… waa dhaci kartaa in nabsigii diinka laga sugaali jirey uu darmaan ku soo qool-jeexo… habar iyo habeenkeed… hiiliyow ha hallayn… tiro-weynta bulsho ee dabbaaldegga ku ciiddey, arrinta waxa ay u badhax tirtay toddob sagal ku xamray, saaciido sidkeed go’ay iyo saxal geeddi u lallabay.

Haddaba, gees-farxadeedka “maashaa-Allaahuda iyo mashxaradda ee majo-dareero” waxa kale oo u-qaadan-waayidda dhacdo ku weheliyey, balse walow ay laxiib iyo nudayba bahda damaashaadsan la mac ahaayeen; haddana arrinta isu tusay mid culus oo shiilid, shaqshaqid iyo shaandhayn dheeri ah mudan. Kooxdan waayyo?… waayyo? ayaa hugunkooda su’aaleed xuddun u ah… “Illeyn, dad dib looma abuurin oo qofba waa kiisii uun-e sidee doorashada Jawaari ku malowdey?…(Ma annagaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?)… Ma riyaa, ma runbaa, Sidee baa loo doortaa Prof Jawaari oo an weli la oran “haruub sii jeeda ayuu soo jeediyey, halaako uu dhigay iyo hagardaamo uu maleegayna an la sheegin?”; iyada oo ay weliba hoganayaan iyo heegan yihiin danleydii bah gaadtama iyo haaligaba ee mar hore waddani iyo wax-ku-oolkii ummadeed ka bannaystay, kana fogeeyey ka amargoynta arrimaha daleed iyo dadeed (Qaran)…. Haddii taniba dhacday, wax baa mustaxiil ah ha isoran ee sacabna timo ka sug!!….

Mase ka tahay arrintu dhab Barlammaanka?… waa dhaci kartaa, balse maya, maya, maya!!!… Aniga qof ahaantay mayyyya… xaaladdu iila eg “dhacdadii iima aha” ee dhex martay “rag xayn ah oo ku hoydey bakhayl go’an reerkiis”; kaddibna markuu yimid oo ku bariidiey ardaagii ay ku dab shidteen; midkood aad u yaqiin inta gartay, raggii la socdey ku yiri: war kan anigaa aqaan oo gacmo looma uumin ee inaga gudiya… oo la yiri; war sowkaas “wanka gawracay”… oo uu yiri “iima aha”… war sowkaa hilibkii xeedho ku soo sida… oo uu yiri “iima aha”.. oo la yiri:“war sowkaa nagu soo dhow”… oo yiri(iima aha)… ka dibna sidii uu ninkii yaqiin sheegay, wuxu soo socdoba inta meel guriga iyo martida u dhexaysa xeedhadii la istaagey oo reerkiisii dib ugu jeensadey kor ugu dhawaaqay: “Naa cutiyaaay… wanka an qalnay sow dirkii dir Saalimo ma uu ahayn?”… oo Cutiyina u jawaab-naqday: “gaw oo sidee baanu u ahayn… haa dee waa uu yahay”… oo inta halkii dib uga noqday yiri (dirkaas beri fog baan ka xilo-furay in an cadkooda iyo cayntooda cid siiyo)… Waa yaab, ma maantaa nin aqoon, Soomaalinnimo, xalaalmiiradnimo, xilkasnimo iyo denbi-ka-hufnaan lagu hubo loo doortay mansabka hoggaaminta golaha sharci-dejinta Qaran….

Wallee wax waa jiraan ee waa maxay waxa jiraa?; maxaa Barlammaanka ku siyaado ah… maxaa ku soo kordhay… maxaa iska beddeley?… beeyaalow kalkaan, maxaa ugu wacan illeyn, “Barlammaan Soomaaliyeed weligiisba Jawaari iyo shakhsi la nooc ah toonna dalagtaa uma dooran jirin —e”… maansha la yiri (wax anad filanayn iyo fallaadhiba waa kaa fajaciyaan)… waa dhacdo lama filshaan oo la sansanyo ah “tii kureygii yaraa oo (sow goor anu caano hoo u baran) walaalkiis kor uga weyni toosiyey oo u dhiibey haruub caano ah oo yiri dhan walaal!!! Oo kolkaas asaga oo u qaadan la’ dhab ahaanta caanaha uu gacmaha ku haysto oo walaalkiisii xilligaas inta siiyey, lana fajacsan xaqiiqda uu arko, yiri “Tolow walaalkay haddaa caano ima siin jirin —e, ma doorshaan baa uga dhacay“… Allaa I lehe, mashxaradda degdeg baa igula jira… kolba anigu qof baan ahay oo ilaa an ilmo-rogadka hubsado labo calaacalood oo an leeyahay ‘sacab isugu dhifan maayo’…. Ma anaa ka liidta, faraskii lagu yiri “Sengow, booddoda iyo orodka isla sug”, maxaa iga xiga, in an sidiisii yeelo oo marka “cawli isu booddo oo libaax qar u baxo” aan anna “hal mar farxadda iyo xafladaynta isku jumlaysto”.…

Immisaan waa-beryaba u soo taagnaa tabotabaha shiiga iyo gaadmooyinka casriyaysan ee qori-is-marisyadu ay ku hullashada, buste qoyan saaridda iyo u suldhuqadtaynta u falkiyaan … Adeer ka ridteyaalkii farsamooyinka badnaa ma dhiman mana dheera ee waa u jiifaan… ma shardi baa xidha, ma sharci baa dabbaala?… sow sidoodii berriba ninkii ay gartaan foocin maayaan!! (nin kii xoog leh baa xaajo u dhacdaa)… Adeer aniga iima aha, wax dammaanad ahna ma arko… inta damac iyo damaaci yihiin halaq iyo durrintiis… Ha ku yeeshoon adeer (wadaad qiil uu ku bannaysto iyo qandi uu ku qaadtoba isagaa leh-e)…. Ilaahii Prof Jawaari noogu dhiibeyow nooga dhig “Guuleed, Samatar, Saacid iyo halyey loo wada aayo’, kursiga noogu raaji, noogu hay, noogu ilaali oo garab iyo gaashaanba u noqo….

Dhanka kale, haddii ad la yiraahdo sidee saabku biyo u celiyey ma aha su’aal jawaabteed hasha ila-lis tahay, balse “faal waa mooro, felegna waa muuq-e” aniga mir,iyo maydhacay; fiiro iyo filaanshohay, waxa ay ila tahay, afar arrinoodba waa suurto gal:waa mar-e; tan daacadnimo ugu dhow waxa ay ahaan kartaa “in odayaalkii dhaqanku (Issimadii ama Duubabkii) mooggan magacaabeen xubno intooda badan waddaniyadi ku sii dabo leedahay, lexejeclo dal iyo dad ku qoyan tahay ama iimaan ku sii nool yahay; ninkii taasu ka hor caddahay “Tobanka Sebtembar 2012” la sug..Mid labaad,waxa suurto-gal ah, in qaab-xisbi-dhaqaneedka (4.5 beeloodka) uun la ilaalin hayey; Macallin Jawaari-na nasiib-wanaag noqday tartamehii keli ahaa ee beel ahaan xilka isu soo taagey; taasoo nuxur ahaan u biyo dhacaysa in codka la siiyey (4.5-ka) ee an la siin Prof. M. Cusman Jawaari…“haddii asbaabtu taas noqodto farxaddu waa hal bacaad lagu lisay”….Tan saddexaadwaxa ay ku iman kartaa “in Goluhu gole-ahaantiisa uun u door biday in uu markan xulsho shakhsi dadwad iyo daacadnimo leh oo uu kaga soo kabsado harreefihii iyo dhibaalkii uu muddoba deris-wadaagga la soo ahaa… Yacni: in danta Gole uun loo doortay Jawaari ee aan loo dooran dan Qaran/Ummadeed” (asbaabtu markii ay taas noqodto Soomaali wax baa u daban, waase haddii ay Prof Jawaari u garbo yeelsho)…Tan afraadwaxa dhaci karta ayna u egkoon tahay, “in maalintaas fadhiga goluhu ahaa mid ay (nasiib-wanaag) ku tiro-badnaayeen xubno goleedkii mukhlis, gaar ahaanna wejiyadii cusbaa ee an weli la baran, la fahmin ama u laylyamin xeegaamaha silloon ee loo daad-raaco, loo dheeho, loona daran-doorriyo hab-dhaqan-raggannimeedka cusub ee lagu halyeyoobo muddo-wakhtiyeedka Burbur.

Sida an anigu hilaad qabo waa sidaas an soo iri-e, waq anay arrini ahaan… waxse an ku kalsooni badnahay, in marka la tago, madalka doorasho-Madaxweyne, uu xag waxqabadsho, xag xil-gudasho, go’aan-qaadasho iyo guud ahaanba xag cod-bixineedba GOLUHU ka baaqsan doono sii xoojinta taqada weyn iyo u-hanweynaanta sare ee shacbigu ku mihiib-siiyey soo saariddii Jawaari. Taas waxa an uga welwel qabaa in goluhu u nuglaan doono ku guryo noqodka diqdii qaniinka iyo takarta badnayd ee uu taariikh ahaan hore u qabadtimay (Awrba awrka ka horreeya saanqaadkiis leh). Dharricidaasi haddii ay haleesho, hubaal waxa uu dhaxli doonaa hoos-u-dhac, qiimo beel iyo raqiisnimo canbaaraysnaan iyo bartilmaameed u noqosho magac-xumo iyo aammano-darro joogtowda oo qof-qof ahaan iyo wadar ahaanba ka faquuqda mujtaca; waxii noolna lagu dayriyo afarsano ka dib (waxii Jawaari iyo garbihiisa lagu caymiyaa waa meesheeda)… aragtidaas waxa loo maragsan karaa hummaagyo laga biniixsan karo dhawr xaaladdood oo maalintii doorasho jirey iyo arrimo iska-dhex-muujiyey codayntii wareeggii kowaad ee u-tartankii kursiga afhayeennimo…

Halkaas, waxa hoos-ka-xarriiqid mudan, isugeyn ahaan codadka lagu qawlay dhammaadkii tirinta waa 119 Prof Jawari; 77 Prof Galayr, 20 Prof; 5 Col X. Abshir = 221; sidaasna waxa meesha ka maqnaa 51 kursi oo sida muuqadta lagu soocamiyey rag u badan kooxdii 22ka sano waddanku u afduubnaa oo Guddiga Biyo-Tuujintu, si ragannimo leh ugu dhiirraday in uu ku cilleeyo ku gaboodfalliddoodii bulsho awgeed in aysan mujtamaca ku dhex lahayn taqo ama xushmo ay wakiillo ku noqdaan….

Sidoo kale, haddii loo nisbeeyo 119 + 25 cod in ay waddaninimo ku doorteen Jawaari; wadartood waa 144 cod; kaasoo ay ka hooseeya heer isku fillaansho oo uu guul muquunsi ah ku hanan karo; amaba ay yar yihiin fursadaha uu ku diriqsan karo libin ciriir ah, si uu u soo saaro Madaxweyne Jawaari labaad ah… waayo?…. Maaddaama, uu loollan kasta ku wajihi doono kooxda mararreecinta oo ahaan karta 77 + 51 = 128 cod oo gaashaaman… kuna tiirran cududsi awoodo dhinacyo badan iyo liilli ciddiyo ku dagaallan ah oo ka geyoodkeed iyo guulaysigeed aad u dhib badan yahay, aadna male-awaalid taban yahay

Haddaba, ugu danbayntii oonsekamadanbaystii ahayn, Golaha Barlammaanka Qaran, waxa shacbiga ay codkooda canbaarsan yihiin ka sugayaa is caddayn ah labadaas buug ee cisiga iyo ceebta mid isku qorid… Yacni: haddii uu Goluhu waddaniyad ku doortay Prof Jawaari… 10/09/2012 waxa laga sugayaa Madaxweyne leh sifooyinka Jawaari iyo weliba wefo firfircooniyeed… Waxa laga sugayaa in uu codka ku taageero Madaxweynihii bulshadu codka siin lahayd… Madaxweynihii dib-u-abuurista qarannimo…. Madaxweynihii soo dabbaalidda nabadda, nidaamka iyo sharci-ku-dhaqmidda… Madaxweynihii Tubta-toosan-ku-aaddinta aayo-masiireedka mustaqbal ee qarannimo iyo qowmiyadeed; Madaxweynihii heshiisiinta, dhaahinta, walaalaynta iyo cadaawad-suulinta…. Madaxweynihii ka soo kaabashada tabaalooyinka Burbur…. Madaxweynihii dib u bakhti-afuufidda Soomaalinnimada iyo midnimada… Madaxweynihii Nabadda, Caddaaladda iyo horumarka.

Gaadiidka awrka hayinka ah goror ma daadshaanka

Gacaleeye, caaddila, gadhwade, geesi xog ogaal ah

Galoo kala gur-gura oo raggii Gaandi uga yeera!!

Maxamuud Musse Cali Caarre |Mmcarre50@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment